mombasa1Mombasa (Araweelo News Network)Koox Dablay hubaysan ayaa magaalada Mombasa ku dishay Afar qof oo rayid ah, waxaana dhaawacyo soo gaadheen dad gaadhaya ilaa shan qof.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag watay mootooyinka dhugdhugleyda ay toogashada geysteen kadibna ay si nabad gelyo ah uga baxsadeen goobta.

Saraakiisha booliska Kenya waxay xaqiijiyeen in 4 qof la dilay 5 kalane dhaawacyo halis ah gaadheen,wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa goob joogayaal ayaa sheegtay in xoogaga weerarka geystay ay warqado digniin ah ku daadiyeen badhtamaha magaalada.

Warqadaha waxaa ku qornaa in weerarkan uu aargoosi u yahay xasuuqa ay ciidamada Kenya ku hayaan muslimiinta dhulka xeebaha ah.

Sidoo kale xoogaga ayaa weeraray wadada 2-aad ee ugu weyn ee magaalada Mombaas, sida uu xaqiijiyay Taliyaha guud ee Booliska Kenya oo weerarkan wuxuu ku eedeeyay xarakada Al-Shabaab.

Gobolka xeebta ee Kenya waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay weerarro is daba joog ah oo sodoneeyo qof ku dhinteen, waxaana Weeraradaa intooda badan sheegtay ururka Al-Shabaab, balse dowladda Kenya ayaa weerarada ku eedeysay siyaasiyiin Kenyan ah oo ay sheegtay in ay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin weerarada.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *