shirkaAIDS-kaCanberra (Araweelo News Network)Vayriska dhaliya HIV ayaa l aogaaday in uu si dhaqso ah jidhka ugu faafi karo, taas oo maasha ka saaray, isla markaana baabi’inay rajadii laga qabay

 

in haddii waqti hore la daaweeyo laga hortagi karo HIV , sidaana waxa lagu sheegay daraasaad cusub oo lagu soo bandhigay shir caalami ah oo maanta ka furmay dalka Austarelia. 
Balse waxa aan si weyn looga raja qabin natiijooyin iyo guulo kasoo baxa shirkaa. Kadib markii qaar badan oo ah dadka ugu caansan dunida ee ku caanbaxay sidii dawooyin loogu heli lahaa HIV, ay ku dhinteen diyaarada todobaadkii hore ku dhacday Ukraine. Sidoo kale waxa shilkaa ku dhintay baadhayaal xanbaarsanaa daraasado laga sameeyay cudurkaa iyo Vayriska dhaliya HIV/AIDS iyo xubno ka mid ah boodhka IAS.

Waxa la filayay carruur laga daweeyay cudurka sacaado kadib markuu dhashay, laakiin viruska HIV ayaa ku soo noqday sanado kadib, taas oo abuurtay raja la’aan. kadib markii la ogaaday in waxa loogu yeedho Viraska kaydsan ay samaysmaan intaan dhiiga lagu arag HIV.

Aqoonyahanada ayaa ku tilmaamay waxa ay daraasaadka ku heleen arin aad u culus oo aan hore loo arag, taas oo ah Horumarkii laga gaadhay daawada antiretroviral ayaa HIV-ga lagu hayn karaa dhiiga, bukaankana uu heli karaa nolol caadi u dhow, ayaa lagu yidhi daraasada.

Balse waxay daraasadu sheegay in haddii daawada la joojiyo, viruska uu ka soo baxayo meeshii uu ku jiray, sidaa awgeed ay adag tahay sida loo daaweeyo HIV.

Daraasaadkan caalamiga ayaa xooga saaray in Viruska kaydsan la soo bixiyo, laakiin waxaa jiray rajo in daawayn hore looga hortagi karo inay samaysmaan marka hore. Daaraasaadka lagu sameeyay Daayeerka ayaa lagu talaalay HIV u dhiganta mida daaanyeerka oo loo yaqaan (SIV).

Daayeerka ayaa ka dib la siiyay daawada antiretroviral saddex maalmood gudahood iyo laba toddobaad kadib markii lagu talaalay HIV.

Daawada ayaa la joojiyay lix bilood kadib, laakiin viruska ayaa soo noqday haddii waqti hore la isticmaalay daawada antiretroviral iyo hadii kale, waxaana taas lagu ogaaday oo la arkay Kaydka Viruska inuu samaysmay waqti hore markii cudurka la qaaday.

Dan Barouch, oo ah professor caafimaadka wax ka dhiga Jaamacada Harvard kuliyadeeda caafimaadka ayaa yidhi,  ” xogteena waxay sheegaysaa in kaydka Viruska uu samaysmay waqti hore oo ka duwan sidii horay loo ogaa, Waxaan helay in kaydka uu samaysmay maalmaha ugu horeeya intaan Viruska lagu arkin dhiiga”
Si kastaba ha ahaatee weli khuburada aduunku waxay ku hawlan yihiin sidii loo heli lahaa dawooyin lagula tacaalo cudurkaa, balse weli ma muuqdaan guulo la tilmaami karo, waxaana shirka caalamiga ah ee Austarelia hadheeyay murugo kadib markii ay ilaa 100 qof oo ka mid aha dadkii ka qayb geli lahaa ay ku dhinteen shilkaa.
Dadka waxa ka mid ah saynisyahano iyo khuburo ka mid ahaa dadkii abaabulay shirkaa oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee International AIDS Society (IAS), kaas oo baadhitaano la xidhiidha HIV waday tan iyo 1983.
Dad gaadhaya 1400 qof oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton iyo jilaaga caanka ah ee u dhashay Britain Mr. Bob Geldof, kuwaas oo khudbado ka jeedinaya kulankaa caalamiga ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *