Nairobi(Araweelo News Network) Sarkaal u hadlay Booliska Dalka Kenya ee la dagaalanka aragagixisada oo lagu magcaabo Muthui Kariuki, ayaa sheegay in Michael Adebolajo ay sanadkii2010, qabteen kadibna ay xidheen, isagoo xiligaa tababar kasoo qaatay
Ururka Al-shabaab ee k a dagaalama Somalia oo xidhiidh la leh Urur weynaha Al-Qaida.
Sarkaalka ayaa sheegay in Michael Adebolajo oo ku eedaysan inuu ka mid ahaa koox todobaadkan Arbacadii lasoo dhaafay ku dishay, Koonfur bari magaalada London Lee Rigby oo ahaa Askari British ah oo 25 jir a. ay qabteen Ciidanka Booliska Kenya ee ladagaalanka Argagaixisada, balse markaa kadib ay ku war geliyeen Dawlada Britain.
Sarkaalka u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in aan wax jidhdil ah loo geysan waqtigaa Ninkaa oo ku safrayay British British passport, balse aanay la socon ninkaa wixii ka danbeeyay xiligaa oo ay dawlada Britain u gacan geliyeen ninkaa.
Waxa kale oo dawlada Kenya sheegatay inay jiraan dad u dhashay Britain, ama sita British passport ay u gudbaan dhinaca Somalia, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay tababaro kusoo qaataan dhinaca Somalia ee Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira Dawlada Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee dagaalka ka wada Somalia.
Michael Adebolajo , ayaa la rumaysan yahay in uu ka mid ahaa koox lagu magcaabao Muhajiriin oo London laga sameeyay wixii ka danbeeyay 11 Sep, kuwaas oo sida ay sheegeen hay’addaha Sirdoonka Britain inay ka qaybqaatay afduubkii diyaaraddaha lagu weeraray xarunta ganacsiga aduunka xiliggaa iyo mudaharaadyo ka dhacay London 2007 oo lagu canbaaraynayay dagaalka lagula jiro Islaamka.
Dhinaca kale wixii ka danbeeyay dhacdada lagu dilay Askariga Britishka ah, waxa si weyn wax isaga bedeleen xaalada amaanka Britain. Kadib markii ay cabsi weyni soo waajahday Muslimiinta ku dhaqan Britain, kuwaas oo ay dadka Kiristanka ahi u qaadeen cadaawad foolxun.
Koox ka mid ah Kiristanka xagjirka ah ee u dhisan necaybka dadka muslimiinta ah iyo in dadka islaamka ah laga saaro dalka Britain oo lagu magcaabo EDL (English Defence League) ayaa banaanbax rabshado wata waxay maanta ka dhigeen magaalada Newcastle ee waqooyiga dalka Britain, kuwaas oo ku baaqayay in dadka Muslimka ah oo ay sheegeen in Diintoodu ku fidayso dalkaa
Dhinaca kale warbixin uu maanta faafiyay machadka diimaha iyo is dhaxgalka dhaqanka ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in necaybka dadka muslimiinta ah loo qabo ay toban jeer kor u kacday, wixii ka danbeeyay dilka Askarigaa, iyadoo 48 kii saacadood ee la soo dhaafay dadka muslimiinta ah iyo goobaha u muhiimka ah sida masaajidada iyo guryo meelo kala duwan ku yaal lagu qaaday weeraro tiradoodu ay kor u dhaafeen 160 , weerar.
Dawlada Britain ayaa arrintaa ka wer-wersan, waxayna Booliisku uag digeen dadka muslimiinta ah inay ka taxadaraan dhibaatooyin kaga yimaada kooxaha Islaamka neceb, waxaana si gaar ah ay Booliska Britain ugu digeen Dumarka xijaabka xidhan oo kooxaha midigta ee xagjirka ah sida EDL iyo BNP ay waxyeelo u gaysan karaan.