Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Weerarkii Qaraxa Muqdisho Ku Dhaawacen Sarkaalka Hay’adda CIA Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Bariga AfrikaCeel- Afweyn(Araweelo News Network) Koox Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa gaadhay

 

deegaanka Beer-Weyso oo qiyaastii 70 KM  dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Degmadda Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ujeedada safarka Wefdiga oo ay xubno ka yihiin  Wasiirrada Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka  Biyaha Xuseen Maxamed Cabdulle,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta ee Gobollada Bari Cali Maxamuud Axmed (Sandule) iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale.

Hase yeeshee warar shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com ka heleen deegaanka ayaa sheegaya in ujeedada wefdiga Wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ay la xidhiidho arrimo dhinaca nabadaynta ah. Kadib markii ay deegaankaa soo gaadheen Koox Malayshiyo ah oo kasoo goostay Malayshiyada dagaalka kula jirtay ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiiddaha Xudun iyo Buuhoodle, kuwaas oo uu wadahadal  dhinaca nabada iyo sidii ay Somaliland uga mid noqon lahaayeen kula jiray Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo hawlo dhinaca nabadaynta ah u joogay halkaa mudooyinkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in malayshiyo wadata ilaa sideed gaadhi oo nooca loo yaqaan Tignikada ee gaashaamaan ay Malayshiyadaasi usoo gacan geliyeen Boqor Buur-madaw oo ku sugnaa Deegaanka Beer-weyso ee duleedka Koonfur Bari ee Ceel-afweyn, isla markaana Boqor Buur-madaw ku wargeliyay Xukuumadda si loogu wareejiyo Malayshiyada iyo Gaadiidka ay wateen.

Dhinaca kale  Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo masuuliyiinta degmooyinka Gar-adag,Ceel Afweyn iyo Darar –weyne oo wefdiga ku sugayay halkaa ayaa si weyn usoo dhoweeyay, kuwaas oo Boqor Cismaan Buur-madaw ku casuumay Deegaanka Beer-weyso ee ay ku sugan yihiin Malayshiyada iyo gaadiidka kasoo goostay kooxda Khaatumo ee loo soo gacan-geliyay.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud ayaa dhowaan gaadhay deegaanka Gobolka Sanaag, wuxuuna soo afjaray dilal dhexmaray dadka deegaanka oo mudo xalkooda ay Xukuumaddu ku guuldaraysatay, kuwaas oo xalintooda si weyn dadka deegaanka iyo guud ahaan gobolkuba ugu amaaneen Boqor Buur-madaw oo hawlahaa u tafa xaytay. Kadib markii ay kulamo yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo dagaal dhinaca siyaasada ah ka dhexeeyay tan iyo markii ay doorashada ku guulaysatay  2010.

Jaamac132@gmail.com

Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *