Hargeysa(Araweelo News Network) Gudida diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa markii u horaysay daadifeeyay sharciyadda Golaha la baxay wada tashiga iyo toosinta qaranka.

 

Gudidu waxay sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen todobada xubnood ee Gudida diiwaan gelintu. Waxaanay xisbiga UCID ugu baaqeen inay tallaabo ka qaadana guddoomiyahooda oo ay sheegeen inuu ka dhex muuqday golahaas sharci darrada ah.

 

Go’aan Guddi

Laga soo bilaabo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland 1991 kii waxa Somaliland ku gulaysatay inay samaysato dastuur qaran iyo xeerar ka farcama.

Xeerarkaas oo ay ka mid yihiin qayb ku saabsan nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo sida ay tilmamayaanQodobada 9aad , 22aad Iyo 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xeerarka kafarcamay sida Xeer No 14 iyo Xeer No 20 .

 

Xeerarkani waxay dejiyeen habraaca siyasadeed ee qaranku yeelanayo iyo sida looga qayb gelayo hadaba isu tag kasta ama cid kasta oo isku abaabusha nidaamka khilaafsan habkaa xeerarku dejiyeen waa sharci daro .

 

Hadaba Guddiga Diiwangelinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qarnku markay markay aragtay Qodobada 9aad 22aadiyo 32aad ee Distoorka Qaran iyo xeerarnka ka farcamay Xeer No 14 iyo Xeer No 20

 

Waxay Soo Saartay Go’aankan

1) In golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaqeen koox siyaasiyeen ahi, uu yahay sharci daro aan meelna ka waafqasanayn shuruucda dalka J.S.L

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas .

 

Allaa mahad leh

 

Saxeexa iyo magacyada Guddida

1. Abdi risaq Jamac Omar

2. Aadan Geedi Qayaad

3. Omar Hassan Ahmed

4. Hassan Ahmed Du,Ale

5. Maxamed Abdi Maalik

6. Ismail Abdilahi Ali

7. Abdale Ibraahim Mahamed.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  oo arrintaa ku tilmaamay mid ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo abaabushay, isla markaana aan waxba lagaga qaadayn waraaqo lasoo qoray.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *