Dr Maxamed CabdullaahiHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka waramay mudadii saddexda sanno ahayd ee

 

uu Wasiirka ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Debeda oo ku buuxday maanta oo uu xilka wareejiyay, wuxuuna  ku faanay  inuu wax badan ka qabtay wasaarada, marka loo eego halkii uu ugu yimi oo uu ku tilmaamay in Siyaasada arrimaha debeda ee  Somaliland waqtii uu xilka la wareegay ku jirtay go’doon,  isla markaana uu sameeyey siyaasad cusub oo uu caalamka kaga iibiyo qadiyadda iyo horumarka ay gaadhay Somaliland.

 

Dr. Maxamed Cabdullaahi, wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibada uu xilka ku wareejinayay wasiirka cusub ee arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, taas oo maanta lagu qabtay Hool ku yaal dhimaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan dhaxlay Somaliland oo siyaasadeedda arrimaha debdda go’doon kaga jirto caalamka, dal ka maqan fagaarayaasha caalamka, waxaanan qaadanay qaab siyaasadeed dunida looga iibiyo qadiyadda Somaliland oo fagaarayaasha caalamka iyo mandaqada laga dhex muuqdo, waxaan qaadanay siyaasad dibadeed oo ka turjumaya baahida qaranka”

Waxa uu ku faanay  wasiirka xilka wareejinayay inuu sameeyey qorshe ku dhisan shan tiir oo lagaga baxayay  go’doonka somaliland kaga jirtay siyaasada Arrimaha debadda, waxaanu sheegay inay shantaa  qodob kala ahaayeen,  in la kordhiyo xidhiidhka caalamka lala leeyahay, in laga qaybgalo shirarka caalamka iyo geeska afrika oo somaliland ka dhex muuqato, in la kordiyo mucaawimooyinkii Somaliland la siin jiray oo dawlad ahaan toos loo siiyo, iyo in fagaarayaasha caalamka ka muuqato waxna laga waydiiyo mandaqadda, isla markaana caalamku xidhiidh toos la yeesho Somaliland.

 

Wuxuuna isagoo guusha ka dhalatay arrintaa yidhi, “Shirkii ugu horeeyey ee aanu ka qaybgalno ee London wuxu ahaa kii Aduunku ku garwaaqsatay Somaliland, waxaana dalalka ka soo qaybgay ay ogaadeen inay Somaliland tahay dal maamul iyo kala dambayn iyo nidaam dal iyo dad leh, waxa kale oo ay oggaadeen inay Soomaaliya tahay dal bur-bursan oo qaramada midoobay u taliso, waxaana la bartay siday kala yihiin, waxaanu shirkaasi muujiyey inay Somaliland caalamka kala shaqan karto arrimo badan”ayuu  yidhi Maxamed Cabdilaahi.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

 

 

 

Dr. Maxamed waxa uu sheegay inay natiijadii shirkaa ka soo baxay ay keentay inay dalal badani xafiisyo ka furtaan Somaliland iyo in Somliland loo sameeyo sanduuq horumarineed oo u gaar ah, waxa kale oo uu tilmaamay in caalamkii shirkaasi ka soo qaybgalay ay xil iska saareen arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada hadal siiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *