labada wasiirHargeysa(Araweelo News Network) Dr. Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka cusub ee Arrimaha debeda Somaliland ayaa ka hadlay dareenkiisa waxyaabaha uu ku arkay

 

bulshada Somaliland mudadii todobaadka ahayd ee uu ku sugnaa dalka. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Wasaaradda arrimaha Debeda, isla markaana uu dhawr maalmood ka hor soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu xilka ula wareego.

Wasiirka Cusub oo munaasibad si weyn loo abaabulay oo lagu qabtay maanta xarunta dhismaha shaqaalaha ee Hargeysa oo uu  xilka kala wareegayay  wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, wax ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiinta Axsaabta mucaaradka, Aqoonyahano, Dublamaasiyiin xilal kasoo qabtay Wasaaradda, Agaasimaha cusub ee Waasaradda Maxamed Xasan, shaqaalaha wasaaradda arrimaha debeda iyo dadweyne kale.

Wasiirka Cusub Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada wuxuu sheegay sida uu ugu faraxsanyahay xilka weyn ee Madaxweynaha Somaliland u magcaabay, wuxuuna sharaxaad kooban iyo sawir ka bixiyay ahmiyada xilkaa loo magcaabay qaranka u leeyahay iyo sida uu waajib isaga saarayo inuu kasoo dhadhaalo.

Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la garab istaago si uu hashaa baaxada weyn iyo xilka loo magcabay u guto, “waxaan u baahanahay taageeradiina, waana in loo midoobo qadiyada iyo ujeedada aynu wada leenahay, mana guulaysanayno haddii aynaan u midoobin hawsha ina hortaal ee baaxada weyn mucaarad iyo muxaafidba.”

Dr. Biixi Yoonis, wuxuu talooyin usoo jeediyay warbaahinta, isagoo ku canaantay in ay ka fogaadaan waxyaabaha qaranimada iyo himilada ummadda wax u dhimaya, wuxuuna sidoo kale    usoo jeediyay mucaaradka inay soo dhowaynayaan  dhaliishooda, balse aanay dhaliishu noqon mid ay ka faa’idaystaan cadawga Somaliland.

“Somaliland wax badan ayay qabsatay, waana wax lagu faano, wax badana way ina horyaaliin, Laakiin waxa muhiim ah inaynu u midawno qadiyadeena, xukuumad aan mucaarad lahayn maaha xukuumad. Laakiin mucaaradku waa inuu yahay mid wax dhisaya oo wax la taaban karo ay tahay dhaliishu. Saxaafadana waxan leeyahay waa inaad wax badan ka fiirsataan oo wararka aad baahinaysaa u eegtaan saamaynta uu ku yeelanayo qaranka.

Somaliland maanta waxay maraysaa meel fiican oo u baahan in hore looga wado. Aniguna waxan ku dedaalayaa inaan guusha raggii iga horeeyay ee seeska u dhigay qaranka iyo wasaaradda arrimaha debeda oo runtii ah wasaarad ahmiyad weyn u leh qaranka inaan halkaa kasii wado, balse taageeradiina ayaan u baahanahay iyo inaad iskay garabtaagtaan oo xukuumadda is garab taagtaan si looga midha dhaliyo himilooyinka aynu leenahay.” Ayuu yidhi Wasiirka cusub ee arrimaha debeda Somaliland, wuxuuna amaanay wasiirka uu xilka kala wareegayay iyo wasiiraddii ee hore ee soo maray wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay in ay wax badan qabteen.

Wasiirka xilka la wareegayay, wuxuu ka hadlay shirka dhowaan ka dhici donna xarunta midawga Yurub ee  Brussels oo ah caasimada dalka Biljam, isagoo xusay  in ay wefti ka socay midowga Yurub oo Somaliland u yimi sidii ay ugu qancin lahaayeen ka qaybgalka shirkaa ay xukuumad ahaan go’aan ka qaateen, isla markaana ku wargeliyeen wefdigaa in aanay isku xaalad ahayn Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Midowga Yurub waanu u sheegnay in aanan isku marxalad ahayn Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Soomaaliya marayso halkii Somaliland maraysay labaatan sannadood  ka hor,  isla markaana aanay  isku baahi ahayn, hawlaha iyaga loo qabanayo iyo kuwo anagu qabsanayno way kala duwan yihiin, halka ay marayso waa meel aanu bari hore ka soo gudubnay, waxaan  u sheegnay in qadiyadda Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya,marka waa in mid walba axdigan cusub lagu saleeyaa halka ay qolo walba marayso” ayuu yidhi Dr.  Biixi oo ka hadlayey qaabkii ay ula hadleen xukuuumad ahaan wefdiga shirka midowga Yurub u qabanayso ee arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Arrimaha debeda Somaliland Dr. Biixi oo ka hadlaya go’aanka ay ka qaateen shirkaa, wuxuu yidhi, “kama qaybgalayno shir aan u daba fadhiisanayno  Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku qancinay weftigii midowga Yurub in aanu nahay Soomaaliya laba dal oo walaalo ah oo jaar ah, isla markaana kala baahi ah, marka wada hadal ayaa noo socda qoladda shirka wadda, haseyeshee waanu u sheegnay inay aad u kala fog yihiin Xamar iyo Hargeysi, wayna garowsadeen, waxaana ku qancinay in laba nidaam loo kala sameeyo oo mid waliba ku salaysan yahay halka wax u marayaan iyo mid waliba qadiyadiisa gaarka ah” ayuu yidhi. Maxamed Biixi Yoonis.

 

Wasiirka cusub waxa uu sheegay inuu dalka ka maqnaa mudo ku siman  Afartan sannadood, balse uu ka war hayey oo uu wax badan ka taray Somaliland lana socday marxaladaha kala duwan ee ay Somaliland mar walba maraysay, wuxuuna xusay  in dalal badan oo Afrika ku yaal oo uu ka soo shaqeeyey ay Somaliland ka wanaagsan tahay.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in uu Somaliland ku arkay mudadii Todobaadka ahayd ee uu joogay laba arrimood oo shucuurta dareenkiisa farxadeed ee soo dhowayntii balaadhnayd ee loo sameeyay ka dib uu la kulmay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya dareenkiisa waxa uu arkay ee uu bulshada kala kulmay yidhi, “Runtii si fiican ayaa laysoo dhoweeyay, xilka Madaxweynuhu ii magcaabay ee aan qarankayga u qabanayo iyo sidii aad ii soo dhowayseen aad ayay ii farxad geliyeen. Laakiin waxan arakay laba arrimood oo iga yaabiyay mudadii aan joogay, waxa lay weydiiyay maxaad aragtay intaad joogtay, waxaan arkay dadkii waxan ku arkay hadal badan oo macno lahayn iyo iyadoo  qofba qofka kale caayayo oo masuuliyiintii la caayayo, mana aha wax fiican ee waa inaynu meel u wada jeesanaa oo qofka masuulka ah xilka loo dhiibo lagu ixtiraamaa, aqoonsiga waa inaynu ka bilawno gudeheena in aynu is aqoonsano oo hawsha isku ixtiraamno” ayuu yidhi wasiirka cusub.

Gebagebadii wuxuu ku cel celiyay bulshada in dhinac loo wada jeesto oo loo midoobo qadiyada Somaliland ee halganka iyo wadada dheer loo soo maray, isla markaana wuxuu ka codsaday dadweynaha in xilka culus loogu duceeyo oo lays garab taago, isagoo dhinaciisa balan qaaday inuu kasoo dhalaalayo hawshaa, isla markaana, wuxuu soo jeediyay in wixii dhaliil ah iyo talooyin ah  qoraal  loogu soo gudbiyo oo ay dhegaysanayo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *