Cukuse1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isaka duway eeddo

 

lagula xidhiidhiyay inuu lug ku lahaa weerar lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, wxuuna sheegay inuu Hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga la tagayo eeddaa si loogu  soo cadeeyo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ayaa shalay u jeediyay  Wasiirka iyo Wasiiro kale eeddo uu la xidhiidhay inay wax ka soo qorsheeyeen falkii uu sheegay in habeen sadexaadkii  lagu rasaaseeyay Xildhibaanka magaaladda Hargeysa.

Hase yeeshee Wasiir Cukuse, wuxuu si weyn isaga fogeeyay eeddaaa, isagoo dhinaca kalena ku tilmaamay nasiibdaro in dhawaaqyada sidan oo kale ah ay ka faa’idaysan karaan cadawga Somaliland,  wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta wasaaradda warfaafinta, wuxuuna ugu horayn ka hadlay ujeedada uu u qabtay shirka jaraa’id, isagoo yidhi,  “Maanta waxaan idiinku yeedhay inaan halkan si mug leh uga hadlo dhacdo innagu cusub taariikh ahaan innagu cusub oo dal ahaan innagu cusub. Waana eedayn aynaan nooceeda aynaan hore u arkin oo maalmhan ragga qaar ay nolasheenna ku soo kordhiyeen taas oo aanay faa’iido badani ku jirrin oo aan doonayo halisteeda inaan halkan ka tilmaamo.

Waxaad maqlayseen oo maalmahan dambe nin Xildhibaan ah oo yidhi waa la I toogtay iyo nin dhalinyaro ah oo jariiradi qortay oo isagu  sheegtay inuu yahay qofkii rasaasta riday. Waxaad maqlayseen in haddana ninka xildhibaanka ahi in uu eedeeyay rag masuuliyiin ah oo Wasiirro ah oo qaranka magac ku leh oo aan anigu ku jirro oo uu yidhi Wasaaradda Warfaafinta ayaa laga soo abaabulayay oo Cabdilaahi oo Cabdilaahi Cukuse ayaa ka mid ah. Waxaana kharashka bixinayay oo hawsha waday Wasiir Ku xigeenka Amniga.”

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay eeda noocaas ah ee Xildhibaanku ku eedeeyay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay, subxaanalaah, intii aanu noolayn, intii aanu jirnay intii qaranka Somaliland aanu hawsha u haynay oo ah ugu yaraan 22-ka sanadood ee dalkaasi jirayba naanays, kama iyo badheedh toona nalaguma xaman inaan wax noocaas oo kale ah gallo. Waxaan ka xumahay xukuumadda Somaliland ninka taariikhdeeda haya haddana ka been sheega. Ninka madaxweynaheenna iyo xukuumadeenna ka been sheegaa waxa uu ka been sheegayaa wax kasta oo cad oo horyaalla.”

“Madaxweynaheenu waa Hoggaamiyaheena qaranka, waxa lagu yaqaanaa oo taariikhdiisa ah dulqaadka. Waxa lagu ogyahay inuu ahaa Hoggaamiyihii Jabhadii SNM oo uu yahay Hoggaamiyihii gudihiisa iyo jabhadiisa midna aanay taariikh u noqonin wax is toog-toogta iyo wax is mu’amaradeeya toona. Waxaad ogtihiin inuu yahay Hoggaamiyaha kaliya ee Jabhad ah ee jabhadiisa dal shisheeye la joogay ee aan qof qudha oo xabsiga ku jirrana kaga imanin.Laba qof oo isku dilay mu’amarad siyaasadeedna aanay dhicin, waanu ka reebay dhaqankaasi waxaanay maanta ka mid tahay sifooyinka wanaagsan ee SNM lahayd,”ayuu ydihi Wasiirka Warfaafintu.

“Somaliland-na waxa maanta Hargeysa gudaheeda jooga afar madaxweyne ku xigeen iyo laba madaxweyne oo is bedalay ILAAHAY ha u naxariistee laba Madaxweynena way hoydeen. Waxaas oo jagooyin ah oo is bedalayay, siyasadahaasi iyo tartamadaa faraha weyn ee aynu galaynay naanaysteena ma aha taariikhdeenna ma aha. Somaliland-na ka mid ma aha meelaha waxa noocaas oo kale ah lagu sheego oo nin yidhaahdo arrin siyaasadeed ayaa la ii toogtay subxaanalaah, isagoo waliba (Xildhibaanku) aan tartan-na ku jirin, siyaasad ku jirin derajana Xildhibaan ka ah sabab intaas oo dad ahi mu’amarad uga shaqayso oo dadka intaas leegi iskugu tagtaa ma jirto. Sabab mu’aamaradiisa intaas oo xafiis uga shirto ma hayno. Waxaan leeyahay waan ka xumahay walaal Xildhibaan. Dhaqanka noocaas ahina waxaan ku leeyahay dalkeenna khatar buu ku yahay,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Waxa ka faa’iidaysan doona erayadaas aad iska leedihiin kuwa cadowga ah, waxa ka faa’iidaysan doona cadowga kaliya ee aynu leenahay oo ah cadowga kaliya ee caalamku leeyahay ee Argagixisadda ah. Waxay noqonaysaa dalleed iyo meel banaan oo laga soo geli karayo ummadda, waxaanay noqonaysaa in shacbiga dhexdiisa shaki lagu kala rido. Waxaan ku leeyahay walaal dib uga joogso.”

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in uu maxkamad la tagi doono dacwad la xidhiidha in lagu soo cadeeyo eedaha Dhagareed ee uu sheegay in xildhibaanku u soo jeediyay, waxaanu yidhi “Anigu kollay ka hadhi maayo Hay’adaha ammaankana waan u tagayaa, waanan dacwoonayaa Xildhibaankan ugu yaraan saaxiib ayaanu ahayn waligayo waxba iskumaanu qaban. Waxa uu ku hadlo iyo gefafka siyaasadeed ee uu ku hadlaana waxaan u aqaanaa uun qaar isaga laftiisa ciqaaba. Tol iyo xididba inuu ka xishoodo weeye. Dadkuna inay isaga (Xildhibaanka) ixtiraamaan oo macalinimadiisii hore ixtiraamaan weeye. Dadku haddii ay xadka soo dhaafaanna waa la iska baydhinayaa, iska baydhintuna macnaheedu ma aha inaanu gacan iskaga baydhinaynee sharciga ayaanu hortagaynaa. Waxaanan leenahay walaal nagu soo cadee.”

Wasiirka Warfaafinta Cukuse, waxa uu sheegay in xukuumad ahaan Hay’addaha amaanka la faray in lasoo qabtaa ninkaa xildhibaanku sheegay inuu rasaas ku riday, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“Haddii Qabille uu sheegtay in la toogtay oo nin-na uu sheegtay Hay’addaha amniga iyo kuwa sharciga oo dhan waxa la farayaa oo amar xukuumadeed lagu farayaa inay sharciga horkeenaan oo ay ka shaqeeyaan. Xaq buu u leeyahay in loo soo qabto oo maxkamada horteeda la keeno oo eeddaas iyo kiiskaa la baadho. Annaguna xaq waxaanu kuugu leenahay inaad nagu soo cadayso, wixii nagu cadaadana sharciga nala mariyo, adeer haddii aad nagu soo cadayn waydana in sharcigu naga kaa dabro,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *