jamaal1Hargeysa(Araweelo News Network) Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in mudo sideed iyo

 

afartan saacadood ah lagu horgeeyo sharciga cidii weerartay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo laba maalmood ka hor warbaahinta u sheegay in Nin rasaas la beegsaday goor habeen ah xaafadda Jig-jiga yare e magaalada Hargeysa.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa uu dhacdadaa ku tilmaamay mid foolxumo ah, isagoo ku baaqay in aan wax aargudasho ah la samayn ee sharciga laga warsugo, “waa nasiibdaro in rag wasiiro ah ay gurohooda jogaan oo lagu qaraniyo dadkii falkaa geystay, waxayna haday tani sii socoto u muujinay Somaliland meel laysku rasaaseeyo suuqa oo Xukuumaddana ka dhigaya mid kaabooy ah”

Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta warbaahinta kula hadlay, kaas oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Dhawaaqa Musharaxa UCID, Jamaal Cali Xuseen oo muuqaal ah halkan kaga boggo Daawo Veido RIIX

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *