Boosaaso(ANN)Wararka ka imanaya Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka bari ayaa Sheegaya in lala beegsaday Qarax Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka puntland Cabdixakiim Axmed Gulleed, islamarkaana
waxaa la sheegay in uu kasoo gaadhay dhaawac Fudud.
Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa gaadhigiisa oo Nooca Laanguraasalka loo yaqaan lala beegsaday Qarax Rumuud Kaantaroola, isagoo xiligaa marayay Masjidka Faadumo ee Magaaladda Boosaaso, Qaraxaa ayaa Waxaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaadhay Wasiirka Warfaafinta.
Sidoo kale Ilaalada Wasiirka Warfaafinta ayaa Waxaa la sheegay in uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaadhay Qaraxaas,kuwaas oo la geeyay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Boosaaso.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Waa Markiiba isku gadamaay Ciidamada Amaanka ee Magaaladda Boosaaso waxeyna halkaa ka bilaabeen baadhitaan ku saabsan sababihii keenay qaraxa lala beegsaday Wasiirka warfaafinta.
Ilaa hada lama garanayo cida dhabta ah ee ka dambeysay qaraxa lala beegsaday Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Wuxuuna qeyb ka noqon doona Qaraxyada iyo dilalka loo geysto Masuuliyiinta maamul Goboleedka Puntland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380