Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Si Lama Filaan Ah Uga Degey Dalka Sucuudiga

Jiddah (Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo si lama filaan ah u kicitimay dalka Boqortooyadda

 

wasiirka Madaxtooyadda oo ka degey JiddahSucudiga ayaa xalay gaadhay Jeddah, isagoo ka degey Madaarka King Abdul Azeez Airport ee magaalada Jeddah.

Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xisri Xaaji Cali oo aan socdaalkiisa hore loo shaacin, waxa  Qolka VIP- da ku soo dhaweeyey Ambassador Ahmed Adam Dagaal (Safiina), Wakiilka Somaliland ee Makkah iyo xubno ka socday jahliyada Somaliland ee Jiddah.

Wasiir Xirsi oo aan la ogayn in socdaalkiisu yahay mid shaqsi ah iyo inuu hawlo la xidhiidha masuuliyada uu qaranka u hayo u tegey halkaa, ayaa nqonaya masuulkii u horeeyay ee ka socda Dawlada Somaliland oo ka dega garoonka King Abdul Azeez Airport ee magaalada Jeddah, isla markaana lagu soo  dhaweeyo Qolka VIP-da.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *