diyaaradamalaysiaDonetsk (Araweelo News Network) Xiisad siyaasadeed iyo muran ayaa ka aloosamay Diyaarad rakaab oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Malaysia, kadib markii ay ku bur-burtay

 

bariga dalka Ukraine, waxaana ku dhintay 295 qof oo saarnaa.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777, taas oo kasoo duushay magaalada Amsterdam ee dalka Holland, waxay u socotay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur ka hor intii aanay Khamiistii ku dhicin meel u dhaw magaalada Donetsk ee bariga Ukraine oo ay haystaan kooxaha gooni-u-goosadka ah ee taageersan Ruushka, waxaana jira warar sheegaya in lasoo riday diyaaradda, iyadoo loo adeegsaday hubka lidka diyaaradaha oo awoodda badan.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda soo rideen wax uu ugu yeedhay argagixiso uu ula jeedo kooxaha mucaaradka ka soo horjeeda, isagoo ku eedeeyey dawladda Ruushku inay siisay hubka loo adeegsaday diyaarada oo lagu tilmaamay inuu yahay hubka lidka diyaaradaha ee SA-11 oo ah kii cahdigii midowgii Soviet-ka Ruushka.

Petro Poroshenko, wuxuu sheegay in ay hayaan codad qaar ka mid ah kooxaha ka dagaalamaya deegaankaa oo sheegaya in ay soo rideen diyaaradaa, isla markaana ay soo bandhigayaan codadkaa oo sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine xaqiijinaya in kooxda Ruushka taabacsan soo rideen diyaaradda.

Haseyeeshee, masuuliyiinta mucaaradka Ukraine ayaa iska fogeeyey inay ku lug leeyihiin soo ridada diyaaradan, iyagoo sheegay in aanay iyagu haysan hubka lidka diyaaradaha ah oo gaadhi kara diyaarad ku socota joog  aad u sareeya oo kumanaan ft ah, waxaanay ku eedeeyeen in ciidammada dawladda Ukraine ka dambeeyaan falkan.

Burburka diyaaraddaasi ayaa laga arkayey meydad badan halkaasi laga helay, waxayna dadka ay siday ee rakaabka ah oo tiradiisa lagu sheegay 295 qof u kala dhashee 154 sitay dahalshada (Dutch nationals), 27 Australian, 23 Malaysian, 11 Indonesian, 6 British, 4 German, 4 Belgian, 3 Philippines, hal qof oo Canadian iyo 15 shaqaalihii diyaaradda ah oo dhamaantood u dhashay Malaysia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Obama oo ka hadlay diyaarada ayaa sheegay in ay xaqiiq tahay in diyaarada lasoo riday oo gantaal lagaga soo tuuray dhinaca dhulka, wuxuuna xusay in ay ilaa hada rumaysan yihiin in hal qof oo Maraykan ah ku jiray dadka rakaabka saarnaa diyaaradda.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa dhinaciisa dawlada Ukraine ku eedayay falka lagu soo riday diyaarada, waxaana goobta gadhay khuburo baadhayaal ah oo la doonayo in ay xaqiijiyaan sababta keentay burburka diyaaradda.

Diyaaradda ayaa lagu qiyaasay jooga ay ku duulaysay markii ay maraysay hawada Ukraine 32,000ft oo noqonaya (9,754m). iyadoo caadiyan diyaaradaha maraya meelaha dagaaladu ka socdaan ku duulaan 33,000ft oo u dhiganta (10,058m).

March horaantii sanadkan  ayaa la waayay diyaarad nooceedu ahaa MH370, taas oo ay lahayd shirkada Diyaaradaha Malaysia, isla markaana ku duulaysay khadka Malaysia iyo China, taas oo aan weli la helin raq iyo ruux.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *