Jiddah (Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo si lama filaan ah u kicitimay dalka Boqortooyadda
Sucudiga ayaa xalay gaadhay Jeddah, isagoo ka degey Madaarka King Abdul Azeez Airport ee magaalada Jeddah.
Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xisri Xaaji Cali oo aan socdaalkiisa hore loo shaacin, waxa Qolka VIP- da ku soo dhaweeyey Ambassador Ahmed Adam Dagaal (Safiina), Wakiilka Somaliland ee Makkah iyo xubno ka socday jahliyada Somaliland ee Jiddah.
Wasiir Xirsi oo aan la ogayn in socdaalkiisu yahay mid shaqsi ah iyo inuu hawlo la xidhiidha masuuliyada uu qaranka u hayo u tegey halkaa, ayaa nqonaya masuulkii u horeeyay ee ka socda Dawlada Somaliland oo ka dega garoonka King Abdul Azeez Airport ee magaalada Jeddah, isla markaana lagu soo dhaweeyo Qolka VIP-da.