Xirsi1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji xasan, ayaa ku hanjabay in xukuumaddu sharciga la tiigsan doonto

 

koox Siyaasiyiin ah oo dhowaan Magaalada hargeysa kaga dhawaaqay gole la baxay Golaha wada-tashiga iyo toossinta.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlayay munaasibad uu xadhiga kaga jaray 5 KM laami ah, taas oo isku xidhaysa degmooyinka kala-baydh iyo Wajaale ee Galbeedka Hargeysa.

 

Wasiirka Madaxtooyada oo safarkiisa uu ku weheliyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa uu sheegay in dhismaha wadadani uu yahay mid ay xukuumaddu maalgelintiisa leedahay, isagoo xusay in ganacsadaha jaamac Oomaar uu ku darsaday 100 Foosto oo Daamur ah, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay  ballanqaadkii Madaxweynaha.

 

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu caddeeyey in xukuumaddu ballanqaadayso dhamaystirka wadadan oo dhererkeedu gaadhayo 18 KM ka hor inta aanu dhamaan sanadkan 2013, balse wuxuu ugu baaqay dadweynaha Deegaanka inay ka soo baxaan ka qayb qaadashada dhismaha 6 KM oo wadada ka tirsan oo loo qoondeeyey inay dadweynuhu ku qaybaan, xukuumaduna ay hadda bilaabi doonto 5 Km oo kale.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada ayaa  sheegay in xukuumadu ka qayb qaadanayso mashaariicda dhismaha ee ka socda waddooyinka dalka sida wadada isku xidha Hargaysa iyo Oodwyne, Sallaxley iyo Caasimadda Hargeysa, wadada Dowga cad, wadada kale ee isku xidha Dilla iyo Boorame, wuxuuna  xusay hay’adda waddooyinku ay dalka Shiinaha ka soo qaadi doonaan qalabkii lagu dhisi lahaa waddooyinka.

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu dhaleecayn u jeediyay  golaha dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku tilmaamay  mid sharcidarro ah,  isla markaana cid kasta oo sharciga dhinac marta tallaabo dastuuri ah laga qaadi doono, balse wasiir Xirsi ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Xisbiga UCID inuu dib ugu soo noqdo xisbigiisii oo aanu cidla u ambabixin, isagoo dhinaca kalena  Muj.  Ibraahin Dhegoweyne usoo jeediyay inuu ka gudbo hurinta rabshadaha, isla markaana  usoo jeesto ka qayb qaadashadaha horumarinta dalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *