gaadiidka1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliand Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo

 

la filayo inuu si weyn wax uga taro dhinaca amaanka iyo Gaadiidka gaashaamaan  ee Bilaysku ku samayn karaan  gurmadka Deg-dega ah, marka ay bulshadu dareento xaalad amaan daro.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde ayaa saaka saxaafada usoo bandhigay y Gaadiidkaa oo ah nooca yar yar, kuwaas oo lagu buufiyay astaanta Ciidanka Booliska, isla markaana lagu xidhay  isgaadhsiin lember Gaar ah oo lagala soo xidhiidhayo ciidanka Booliska marka ay dhibaatooyin dhacaan, iyadoo muwaadiniintu garaacayaan lambarka 999.

 

Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay Xaflad loo sameeyay wareejinta Ciidanka lagu Wareejinayay Gaadiidka , ayaa sheegay inay Baabuurta Lambarka loo sameeyay wax badan ka tari doonaan dhinaca amaanka dalka, balse loo baahanyahay inay dadku Bilayska la shaqeeyaan oo ay ku soo war-geliyaan wixii falal amni daro ee ay arkaan.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay Baabuurtan Isgaadhsiintu ku xidhantahay oo wax badan ka ka bedeli doona habsami u socodka hawlaha Bilayska iyo dhinaca nabad-gelyada.

Qorshaha wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo xilka u magcaabay uu soo bandhigay ayaa ah mid si weyn ay Bulshadu ugu riyaaqeen, waxaana gaadiidkaa loo qorsheeyay in ay ka qayb-qaataan Gurmad kasta oo dhinaca Nabad-gelyada la xidhidha, iyadoo muwaadiniinta lagu war geliyay inay lasoo xidhiidhaan waqti kasta iyo saacad kasta nambarka 999.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *