Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji xasan, ayaa ku hanjabay in xukuumaddu sharciga la tiigsan doonto
koox Siyaasiyiin ah oo dhowaan Magaalada hargeysa kaga dhawaaqay gole la baxay Golaha wada-tashiga iyo toossinta.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlayay munaasibad uu xadhiga kaga jaray 5 KM laami ah, taas oo isku xidhaysa degmooyinka kala-baydh iyo Wajaale ee Galbeedka Hargeysa.
Wasiirka Madaxtooyada oo safarkiisa uu ku weheliyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa uu sheegay in dhismaha wadadani uu yahay mid ay xukuumaddu maalgelintiisa leedahay, isagoo xusay in ganacsadaha jaamac Oomaar uu ku darsaday 100 Foosto oo Daamur ah, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay ballanqaadkii Madaxweynaha.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu caddeeyey in xukuumaddu ballanqaadayso dhamaystirka wadadan oo dhererkeedu gaadhayo 18 KM ka hor inta aanu dhamaan sanadkan 2013, balse wuxuu ugu baaqay dadweynaha Deegaanka inay ka soo baxaan ka qayb qaadashada dhismaha 6 KM oo wadada ka tirsan oo loo qoondeeyey inay dadweynuhu ku qaybaan, xukuumaduna ay hadda bilaabi doonto 5 Km oo kale.
Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in xukuumadu ka qayb qaadanayso mashaariicda dhismaha ee ka socda waddooyinka dalka sida wadada isku xidha Hargaysa iyo Oodwyne, Sallaxley iyo Caasimadda Hargeysa, wadada Dowga cad, wadada kale ee isku xidha Dilla iyo Boorame, wuxuuna xusay hay’adda waddooyinku ay dalka Shiinaha ka soo qaadi doonaan qalabkii lagu dhisi lahaa waddooyinka.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu dhaleecayn u jeediyay golaha dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku tilmaamay mid sharcidarro ah, isla markaana cid kasta oo sharciga dhinac marta tallaabo dastuuri ah laga qaadi doono, balse wasiir Xirsi ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Xisbiga UCID inuu dib ugu soo noqdo xisbigiisii oo aanu cidla u ambabixin, isagoo dhinaca kalena Muj. Ibraahin Dhegoweyne usoo jeediyay inuu ka gudbo hurinta rabshadaha, isla markaana usoo jeesto ka qayb qaadashadaha horumarinta dalka.