Eng Xusen Cabdi DucaleCapetown(Araweelo News Network)Wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland  Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha 20aad ee INDAPA oo lagaga

 

hadlayo qaabkii loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadamada Macdantu ku jirto, isla markaana looga faa’idaysan lahaa khayraadka dhulka hoostiisa.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu ku sheegay  khudbada uu ka jeediyay halkaa in marka hore ay Somaliland dal ahaan ku qanacsantahay in lagu martiqaado markii ugu horaysay oo ay fursad weyn u tahay, wuxuuna ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay Somaliland iyo dedaalka ay ugu jirto in ay ka mid noqoto shucuubta aduunka, isagoo tusaale usoo qaatay nidaamkii geedi socodka dumuqradiyada iyo sida ay Somaliland uga duwan tahay Somalia.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Du’aale oo khudbad qaadatay 20 daqiiqo ka jeediyay madasha shirkaa oo ay ka qaybgaleen 17 dal oo afrikaan ah wasiiradooda Macdanta, sideed dal oo kuwa ugu awooda badan dunida iyo in ka badan 800 qof oo isugu jira wakiilo iyo khuburo ka socda shirkadaha ugu waaweyn dunida ee dhinaca Batroolka iyo Macdanta, wuxuuna u mahadceliyay dadka ka qaybgalay shirkaa.
Eng. Xuseen Cabdi Du’aale waxa uu halkaa ka sheegay in ay Somaliland dal ahaan  ay horumarin doonaan nidaamka looga faa’iideysan karo macdanta iyo khayraadkaSomaliland, wuxuuna xusay in ay aaminsan yihiin in dal waliba ku horumari karo kheyraadka dhulkiisa ku jira oo uu ka faa’iidaysto oo la soo baxo, isagoo xusay in ay jiraan shirkado ay heshiish la galeen dhinaca Khayraadka ee Batroolka iyp macdanta oo ay Somaliland hodon ku tahay oo ay soo dhowaynay ciddii doonay in ay maalgashi ku samayso.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Du’aale waxa si gaar ah uga sharaxay khudbadiisa khayraadka ku duugan Somaliland oo u baahan sidii looga faa’idaysan lahaa, isagoo sheegay in ay dal ahaan diyaar u yihiin shirkaddaha danaynaya khayraadka ku jira Somaliland, isla markaana ay shuruucda lagama maarmaanka u ah ay dal ahaan diyaar u yihiin sidoo kale waxa uu xusay in  heshiishyada la gelayaan shirkaddaha doonaya inay Somaliland khayraadkeeda soo saaran ay noqonayaan kuwo lagu dabakhayo heerka heshiisyada caalamiga ah.
Ka qaybgalka Somaliland ee Shirka INDAPA ayaa fursad weyn u ah Somaliland oo markii u horaysay lagu martiqaaday si ay ugu bandhigto shirkaa khayraadka ku jira dalkeeda iyo baahida loo qabo in laga fa’idaysto.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *