taxs2Hargeysa(Araweelo News)Gaadhi yar oo ah nooca Tagaasida ku cusub Magaalada Hareysa ayaa saaka si yaab leh shil ugu galay Wadada hormarta Saldhiga Kood-buur ee Woqooyiga Magaalada hargeysa.

Gaadhiga oo sida dad goob joog ah u sheegeen Araeelonews ku socday Xawaare  sare ayaa ka haaday wadada Laamiga  ka hor intii aanu ka talaabin laagta Biyo mareenka ee marta halkaa, wuxuuna isagoo sida Diyaarada u duulaya Turuska la galay goob qashinka lagu qubo oo Laagta dhexdeeda ah.
Dad ka dhowaa agagaarka waxay sheegeen in dhaawac soo gaadhay Haweenay la socotay iyo dareewalkii gaadhiga, kuwaas oo Cubitaalka loola cararay.
taxsi1Baabuurta yar yare e Tagaasida oo mudooyinkan dabe kusoo batay Magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa noqday kuwo door mihiim ah ka qaatay isu socodka iyo adeega bulshada, isla markaana dad badan shaqooyin ka heleen, iyadoo lagu raaco qiime dadku u riyaaqeen, balse waxa jirta mushkilad ay la kowsadeen gaadiidka yar yar oo ay durba u bixiyeen dareewaliinta kale ee wada Baabuurta waaweyn, kuwaas oo u bixiyay (Tagfi), iyagoo ula jeeda sida ay u kooban yihiin baabuurtan ee ay wadooyinka u marayaan, taas oo sababta inay noqdaan kuwa ugu badan ee sabab u noqda ama gala shilalka ugu badan ee ka dhaca Magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Caasimada oo ugu yaraan maalintii ay galaan Tagasida yar yar toban shil oo kala duwan.
Dad badan ayaa rumaysan in sababta ay ugu badan yihiin shilalka Tagaasida yar yar ay tahay, dareewaliinta wada oo aan inta ahayn kuwo khibrad badan u leh wadida Baabuurta, Burburka  wadooyinka iyo iyagoo dareewaliinta wadaa aad u isticmaalaan taxsi3Telefoonada marka marka ay wadaan gaadhiga, iyadoo doonaya in ay qof ka mid ah dadka ay u adeegayaan oo meel ku sugaya ka gaadhaan, isla markaana dadka saaran deg deg u gaadhsiiyaan halka ay doonayeen.
Waxa kale oo shilalka ay galaan dadka qaar ku macneeyeen iyagoo dareewaliinta wada Tagaasida yar yar rumaysan yihiin in ay meel walba mari karaan, taas oo keenta in ay isku qaadaan xiliga saxmada ee wadooyinku cidiidhka yihiin haadka aanay lahayn, sidaana way ku galaan shilal iyagoo xawaare doonaya in ay kau dhaafaan Baabuurta kale .
Waxa kale oo lala xidhiidhiyay shilalka Tagasida yar yar in ay qayb ka yihiin wadooyinka bur-bursan ee magaalada caasimada oo dhibaato ku haysa Tagaasida iyo gaadiidka kale, balse iyagu si gaar ah ugu dhibaatoodaan, maadaama ay mushkilad kala kulmaan godadka wadooyinka ka dhex dilaacay.
Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay in Ciidamada wadooyinku ka hawlgalaan sidii loo yarayn laha shilalka Tagaasida iyo Baabuurta kale oo marba mark aka danbaysa sii badanaya, isla markaana sababaya khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.
arraweelo.com@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *