araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)Mooshin la doonayo in wax lagaga bedelo xeer hoosaadka golaha wakiilada Somaliland ee dhowaan Gudoomiyaha Wakiilada, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee

 

WADDANI ku sharciyaystay awooda golaha. Kadib markii uu wiiqay awooda labada gduoomiye xigeen ayaa la filayaa in la horkeeno golaha maalinta beri.
Mooshinka oo si weyn loo hadalhayo ayaa lala xidhidhiyay mid ka dhashay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiilada ee sababay inay debada uga baxaan labada gudoomiye xigeen. Kadib markii la naaqusay awooda uu siinayay xeerkii hore ee golaha.
Ilaa hadda ma cada cida soo ababuushay xeerkaa iyo sida loo qorsheeyay, balse waxa jira warar laga soo xigtay qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeeday wax ka bedelka xeer hoosaadka oo sheegaya in ujeedada mooshinku tahay in xeer hoosaadka qodobada qaarkood goluhu dib ugu noqdo, isla markaana laga fiirsado, iyadoo xildhibaanada xisbul xaakimka ee Kulmiye ahaayeen kuwa ugu badan ee taageeray wax ka bedelka lagu sameeyay xeer hoosaadka, kaas oo ay xkuumadda iyo hogaanka xisbiga Kulmiye u arkeen in uu ahaa mid Guidoomiyaha Wakiiladda, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka WADDANI ku inqilaabay awoodda hogaaminta golaha wakiiladda, taas oo keentay khilaaf hada sii xoogaysanaya oo u dhexeeya xukuumadda iyo  gudoomiyaha WADDANI ee hogaamiya golaha.
Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro ka cabsiqabo weeraro siyaasadeed oo kaga yimaada dhinaca xukumadda iyo xisbigeeda, kuwaas oo khatar gelinkara kursidiisa. Aragtiyaha mudanayaasha ee wax ka bedelka xeer hoosaadka ayaa ahaa kuwo aan ku salaysnayn qaab xisbi, balse dano iyo masaalaxo mid walba gaarkiisa u eeganayay ku salaysnaa, taas oo u fududaysay Gudoomiye Cirro inuu meel mariyo xeer hoosaadka uu wax ka bedelka ku sameeyay, balse waqtigan waxa sheekadu iska bedeshay sdii hore, waxanaa meesha soo galay mabaadiida xisbi, taas oo la rumaysan yahay in ay sababtay cabsida soo waajahday gudoomiye cirro oo ka hadlay arrimahaa mar uu maanta dalka dib ugu soo laabtay. Kadib booqasho gaaban oo uu ku tegey dalka Ethiopia.
Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya arrimahaa waxa uu uga digay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in ay faraha kala baxdo golihiisa oo uu sheegay in ay hawlo ka dhexwado, wuxuu sheegay in aanu golaha wakiiladu xukuumadda marnaba wax dagaal ah la gelin, balse ay xukuumaddu shaqdii iyo waajibkii loo doortay kaga mshquushay faragelinta iyo maamulka golaha wakiiladda,
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, wuxuu mudanayaasha usoo jeediyay in ay sumcadooda iyo sharaftooda ilaashadaan.taas oo loo fasirtay in aanay iska bedelin mawqifkii hore ee ay xeerka wax kaga bedeleen.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka ka dhex muuqda xukuumadda iyo gudoomiyaha wakiiladda ee hogaamiya xisbiga WADDANI, ayaa ah mid isa doo tarayay tan iyo dhawrkii bilood ee u danbeeyay sanadkii tegey markii gudoomiye Cirro taageeray  kooxdii la baxday madashii wadatashiga, waxayna arrintu mar kale soo cusboonaatay xili Madaxweyne Siilaanyo ka maqanyahay dalka, balse la filayo in uu maalinta beri kusoo laabto dalka.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *