Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiska madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka kooban lix xubnood oo uu hoggaamiyo Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska  MR. ANDREW MITCHELL. Sida lagu faafiyay

war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtoyadda waxa uu madaxweynuhu warbixin ak siiyay weftiga marxalladaha kala duwan ee Somaliland soo martay iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay sannooyinkii u danbeeyay.

Wa-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska  MR. ANDREW MITCHELL.

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Ingiriiska  iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada  waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada ingiriisku u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka   Somaliland.

Dhinaca Weftiga waxa u hadlay Wasiirka Dawlada Ingiriiska waxaanu Somaliland ku Amaanay Xidhiidhka iyo Wadda Shaqaynta ka Dhaxaysa  Labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska oo ay ka mid yihiin:-

1.  Dhinacayada Nabad-gelyada Iskaashiga Dhanka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyada Asasiga ah ee Bulshada iyo Ka hortaga Afooyinka Abaaraha.

2.   Wasiirku Waxa uu Shirka kaga Dhawaaqay inay Go’aansatay Dawlada Ingiriisku in ay laban-laabayso Mucaawimada ay Dawlada Ingiriisku ku caawin jirtay Somaliland.

3.      Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somalailnd ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho  62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somalialnd iyo Somaliya Siiso

4.  Waxa kale oo ay Dawlada ingiriisku Cadaysay in ay Somaliland u samaynayso Sanduuq Dhaqaale oo lagu Shubo qaar ka mida Lacagta Gar-gaarka oo ay Dawlada somaliland iyo Dawlada ingiriisku Si wada jira u maamulaan

Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay Qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu Gacan qabashada uga baahan yahay.

Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland.

Ugu Danbayn  Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey Somaliland Isbedelada Muuqda ee Dhinacyada Siyaasada, Nabad gel-yada Waxbarashada iyo Caafiamadka, waxaanu ku nuux-nuuxsaday inay ka Go’an tahay Dawlada Ingiriiska inay Garab Joogsato Deddaalka ay Shacabka iyo Xukuumada  Somaliland ay kuwada Jiraan sidii ay u noqon lahayeen Dal la aqoonsan yahay oo ka Mida Caalamka.

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Wasiirka Maaliyada,.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *