Buuhoodle(ANN)Ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan jiida Buuhoodle ee Kal-shaale ayaa gebi ahaanba la wareegay fadhiisinkii ay halkaa ku lahaayeen malayshiyadda la baxday SSC. Kadib markii isku dhac dhexmaray Geel-jire deegaanka Qori-lugud kasoo jeeda oo halkaa marayay  ay rasaas ku fureen

 

Malayshiyada SSC, isla markaana isku dhac halkaa ka dhashay ay dhexgaleen ciidanka qaranka Somaliland.

Sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u xaiiyeen caawa warar kala duwan oo aanu ka helay deegaankaa, malayshiyada SSC ayaa weerartay ciidanka kala dhexgalay iyaga iyo geel-jirahaa, waxayna dileen mid ka mid ah ciidanka, iyadoo uu  dhawaac soo gaadhay  laba ka mid ah ciidanka qaranka eek u sugnaa halkaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay markaa ka dib ciidanka qaranku jawaab ka bixiyeen weerarkaa, iyagoo la wareegay gebi ahaanba fadhiisinkii ay malayshiyadda SSC ku lahayd Hagoogane oo ka tirsan deegaanka Buuhoodle, isla markaana ay gacanta ku dhigeen maxaabiis gaadhay 17 qof oo ka tirsanaa malayshiyadda SSC. Iyadoo maydka Askariga ciidanka qaranka iyo labada askari ee dhawaacmay la geeyay deegaanka Qori-lugud ee duleedka Buuhoodle.

Xiisadda Kal-shaale oo dhowaan lasoo afjaray markii dagaalo u dhexeeyay dadka deegaanka halkaa ka dheceen ayaa dib u cusboonaatay. Kadib markii sida ay wararka ka imanaya deegaanku sheegayaan ay koox ka tirsan malayshiyada SSC farax xumaysay ee ay kufsadeen gabadh dadka deegaanka Qori-lugud kasoo jeeda, taas oo keentay inay geel-jiraha deegaanka qorilugud halkaa tagaan. Kadibna ay isku dhacaan kooxo ka socda labada dhinac. Laakiin ciidanka Qaranka eek u sugan deegaanka Kal-shaale oo xaalada soo dhexgalay ay malayshiyada SSC weerartay, sidaana uu ku dhashay dagaal dhexmaray malayshiyada iyo ciidanka oo soo gaadhay gabaldhicii galabta, balse ay ciidanka qaranka Somaliland la wareegeen fadhiisinkii malayshiyada oo ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 17 maxbuus oo ka tirsanaa kooxda malayshiyada SSC, kuwaas oo la filayo in dhinaca magaalada Burco loo soo qaado subaxnimada.

Deegaanka Kalshaalle oo ay isku hayaan laba beelood oo ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori Lugud ayaa salka ku haya muran  dhul, waxaan  hirgelin go’aamo xeer beegti madax banaani ay ka soo saareen xiisada iyo Colaadda ka taagnayd deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo horaantii bishan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in deegaankaasi yahay soone ciidan isla markaana ugu baaqay labada dhinacba inay joojiyaan Barkadaha ay halkaasi ka qoteen wixii kharash ka galayna ay xukuumaddu bixin doonto.

Araweelonews Mobile Office Somaliland
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *