images/stories/alnr2.jpg Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray xarun ganacsi (Main Show Room) oo shirkada Al-Nuur Furniture ay ka hirgelisay Caasimadda Hargeysa. Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka xaruntaa
Ganacsi, ayaa ku beegantay maalinta caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8 March oo ay Haweenka Somaliland ku jireen munaasibado iyo dabaaldegyo lagu xusayay lagu qabtay magaalooyinka dalka.
Munaasibadii xadhiga lagaga jarayey Xaruntaa oo ah mid sida casri ah loo dhisay, isla markaana si weyn oo bilic leh loo nashqadeeyay, waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar (Xamarji), saraakiil ka socotay Hay’addaha dawladda, Ururada Bulshada, Daladaha Haweenka Somaliland, suxufiyiin warbaahinta kala duwan ah iyo boqolaal haween oo furitaanka xaruntaasi kusoo beegmay maalinta ay dunida uga dabaaldegaan, taas oo keentay inay fursad weyn u noqoto dhismaha xarunta ganacsiga Al-Nuur ee laga furay kasoo horjeedka dhimaha Idaacada Radio Hargeysa.
Guddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa hadal kooban oo uu munaasibadaa ugu wakiishay Mulkiilaha Shirkadda AL-NUUR Cabdiraxmaan Al-nuur waxa uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasiirada, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo qeybgalay furitaanka xaruntaa ganacsi, isagoo yidhi, “Shirkadda Al-nuur waxay ku talaabsatey horumar balaadhan, taasina waa dedaalka iyo sida y bulshadeeda u caawiso had iyo jeer,waxaanay agabka ay iibso u dhoofisa Waddamada Geeska ah sida Jabuuti, Ethiopia,Soomaaliya, Puntland iyo meelo kale oo badan yidhi Mustafe Shiine.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkadda AL-NUUR himiladeedu ay tahay horumarinta dalka iyo bulshadaba, isagoo yidhi, “waxa wax lagu farxo ah in shirkadda Al-Nuur Furniture ay horumar balaadhan ku soo kordhisay dalka mudaddii ay jirtey, waxana ay u taagan tahay shirkaddani sidii ay u horumarin lahayd dalka.”
Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdullaahi (Xamarje), oo isna halkaaka hadlay ayaa sheegay in mulkiilaha xaruntani uu ganacsigiisa ka soo bilaabay meel aad u hoosaysa, isla markaana uu haataan marayo meel aad iyo aad u fiican oo lagu farxo. Shirkadda Al-Nuur waxa aan uga mahadcelinayaa horumarka iyo dadaalka ay gaadhay mudadda ay jirtey,waxaanan ku hambalyeynayaa,runtii waxa aynu odhan karnaa waa dhalinyaro dadaashay oo horumar laxaad leh dalka ku soo kordhisay, saaxiibkay C/raxmaana Mahad balaadhan ayuu mudan yahay”
Haweenayda Madaxweynaha Somaliland kala talisa arrimaha Haweenka Marwo Ismahaan Maxamed Miisaan yaa weedho kooban oo ay ka jeedisay madasha ku sheegtey inay ku faraxsan tahay furitaanka dhisma casriga ah ee weyn oo ah horumar ay shirkadda AL-NUUR ku talaabsatey, waxaanay tidhi “anaga waxa na sharfay Mulkiilaha Shirkadda AL-NUUR Cabdiraxmaan Maxamed Nuur, markaa waxaan u rajaynayaa inuu ILAAHAY gaadhsiiyo meeshan meel ka sii saraysa.”.
Sidoo kale Suxufiga ruugcadaaga ah ee Axmed Xasan Cawke oo fmadasha hadal kooban ka jeediyay ayaa ku hambalyeeyay Shirkadda AL-NUUR dhismaha casriga ah ee ay dalka ku soo kordhisay,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay dhisme qurux baddan oo casri ah Shirkadda Al-Nuurwaxay dalka ku soo kordhisay oo ay keentay qalab casri ah oo dhinac kasta u horumar ah”
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la sheegay in shirkadda Al-Nuur ay kaalin muuqata ka soo qaadatay Carwadii u dambaysay ee Somaliland lagu qabtay oo ay ku soo bandhigeen agab tayadoodu sareyso door fiican ka qaatay sidii ay ganacsata dalku u dhalatay iyo kuwa shisheeyuhu-ba ay maalgelin ugu samaysan lahayeen waddanka. Illaahay waxaan uga rajaynayaa Shirkadda Al-NUUR inuu gaadhsiiyo heerkan ay imika mareyso mid ka sii sareeya.Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ugu hambalyey Mulkiilaha Shirkadda Al-Nuur Cabdiraxmaan Maxamed Nuur, isagoo xusay inay shirkaddani tahay shirkadii ku guulaystay abaalmarintii Carwada ganacsiga ee lasu bandhigay dhamaadkii 2011 Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Dr. Cabdirisaaq Khaliif waxa uu tilmaamay in siyaasadda xukuumadu ay ka turjumayso dhiiri-gelinta ganacsiga iyo maalgashiga kala duwan ee dalka laga fulinayo, isaga oo intaa ku daray in dhismahan ballaadhan ee shirkadda Al-nuur ay ka hirgalisay Somaliland uu soo jiidanayo inay bulshadu hantidooda ku aaminaan waddanka.
Weedhahaa kadib Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr Cabdirisaaq Khaliif oo ay wehelinayaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay xaflada furitaanka ayaa dhexqaaday hoolka weyn ee dhismahaa casriga ah oo loo ekeysiiyay sida loo sharaxay Carwo caalami ah, isla markaana qayb ka mid ah hoolka oo dhegsan lagu diyaariyay Huradadii aqalka, fadhigii, Cuntadii iyo gogoshii oo dhan iyo wixii looga baahnaa guriga, si ay dadku uga qiyaas qaataan, isla markaana dookhooda ku daawadaan. Kadibna u dalbadaan waxa ay ku qancaan ee gogosha sariiraha iyo agabka kale ee muuqaalkoodu indhadaraandarka ku sameeyay dadkii kasoo qaybgalay munaasibadaa.
Xafladan xadhiga lagaga jaray dhismahan casriga ah ee Shirkadda AL-NUUR dhisatey ayaa waxa ku soo beegantay maanta oo ay ku began tahay 8 March 2012 oo loo aqoonsaday maalinta haweenka adduunka oo Somaliland iyo guud ahaan caalamka oodhan si weyn looga debaaldegayo.
Dhinaca kale boqolaal u baddan haweenka ka qaybgalay munasibadaa oo socotay dhawr saacadood, ayaa dareenkooda ku cabiray shucuurtooda markii ay dhexqaadeen Hoolkaa iyo dhismahayaasha looga gudbayo ee lagu sharaxay qayb walba gurigu intii uu lahaa sida Hurdada, Gogosha fadhiga iyo adeegyada kale oo si bilicsan loo habeeyay.”waxbadan oo aan ku farxo oo I cajabiya ayaan ku arkay, waana ku hanayaynayaa shirkadda Aal-Nuur, waxyaabaha ay soo bandhigtay, waxan jeclaan lahaa qolkaa Alaabta taala in sideeda laygu raro ayay tidhi, mid ka mid ah boqolaal haweenka dhexmushaaxayay dhismaha xarunta cusub ee Al-Nuur.
“waxan halkan u imi inaan noqdo qofka ugu horeeya ee wax ka iibsada, marka iibku bilaabmo ee la furo carwada. Runtiina waan hanbalyaynayaa C/raxmaan Al-Nuur, wuxuu keenay alaab aan Somaliland ool oo I cajabisay,” Sidaa waxa tidhi gabadh magaceeda ku sheegtay Nuura Maxamed Cawil oo weriye ka socday Araweelonews weydiiyay dareenkeeda iyo waxyaabaha ay ku aragtay goobtaa, iyadoo wejigeeda farxad badani ka muuqato, taas oo muujinaysay sida ay furitaanka dhismaha xarunta gacansiga ee Al-Nuur ee lagu beegay maalinta haweenka aduunku ugu farxeen waxyaabaha lagu soo bandhigay xaruntaa ee lagu beegay furitaankeeda maalinta dabaaldegooda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com