Hargeysa(ANN)Maamulka Jaamacadda  Caafimaadka ee Addis Ababa Medical College, ayaa ciidamo Boolis ahi maanta xabsiga u taxaabeen. Kadib markii khilaaf albaabada u xidhay xarunta Jaamacaddaa ee Hargeeysa  oo dhexmaray  Ardayda wax-ka-barata iyo maamulka jaamacadu maanta debada

 

usoo baxay.
Ciidanka Booliska oo ay dacwad gaadhsiiyeen koox ka tirsan gudida Aradayda ayaa goobta yimi, waxaana xabsiga loo taxaabay Gudoomiyihii Jaamacadda Addis Ababa Medical College, oo lagu magcaabo Dr. Maxamed, kaas oo ah nin Somali ah  iyo nin kale oo magaciisu yahay Mustafe Axmed oo u dhashay Ethiopia, kuwaas oo ardaydu ku doodeen inay khiyaamo cad kula kaceen. Kadib markii ay balanqaadkii iyo heshiiskii waxbarasho ee ay ku yimaadeen Jaamacadda waayeen.
Kooxo ka tirsan Ardaydaa ayaa ku xoomay saldhiga dhexe ee Bilayska hargeysa, iyagoo ku doodaya in    khilaafka  ugu ka  dhashay  kadib marii ay Ardaydaasi ka weaayeen maamulka Jaamacadda Shaadooyinkii  Degree ahaa ee ay Jaamacaddu ugu balanqaaday inay siinayso, kuwaas oo isugu soo biyo shubtay Diploma, taas oo ay ku doodeen inaanay ahayn wixii ay lacagta ku bixinayeen sanadaha baddan ee lagula heshiiyay. Saxaab  Maxamed oo ka mid ah Ardayda wax ka baranaysay Jaamacaddaa ayaa iyadoo saldhiga hortaagan u sheegtay weriye ka tirsan shebekada Araweelonews in khiyaamo cad lagu sameeyay, taasna ay ka dacwoonayaan.
Sabaax waxay sheegtay inay mudo sanad aj iyadu dhiganaysay Jaamacadaa, balse ay jiraan Arday sadex sanadood dhiganaysay oo wixii ay dhiganayeen aqoonsigeedii madaw galay.
Sidoo kale Negeeye Eid Xaashi oo ka mid ah Aradayda maamulka Jaamacadda dacwaysay, ayaa ku dooday inay arrintan ku ogaadeen dukumentiyo ay heleen oo cadaynaya inaan ardayda ka dhamaysata waxbarshada la siinayn Degree. Sida ku cad qoraalkaa heshiiska ee ay la saxeexdeen maamulka jaamacaddu wasaaaradaha Waxbarashada  iyo caafimaadka ee Somaliland iyo wasaaradda Caafimaadka ee Ethiopia. Sidaa awgeed ay khasaare ku jiraan sadexdii sanadood ee ay ku jireen Jaamacaddaa oo waqti iyo tacab badani kaga lumay.
Hase yeeshee Xadhiga Maamulka jaamacadda waxa arrintii ka hawl galay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre, kuwaas  markii danbe ku  sii daayay Damiin Iyadoo la furay wadahadal lagu xalinayo arrintan oo ay dhinac ka noqon doonaan Guddida Ardayda Jaamacadda, Masuuliyiinta Jaamacada iyo guddida tacliinta sare.

Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *