Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka dhoofay dalka, ayaa sheegay inuu ka qaybgelayo shir lagu qabanayo dalka Kenya oo lagaga hadlayo diyaaradaha mara hawada  dalkii laysku odhan jiray Somalia, kaas oo sida uu

sheegay ahmiyad weyn u leh Somaliland.

Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay madaarka magaalada Hargeysa  ka hor intii aanu ka dhoofin dalka, sidoo kale  waxa  uu shirkaa kaga hadlay warar ay warbaahinta qaarkood ka qoreen oo lagu sheegay inuu sameeyay musuqmaasuq.

Md. Maxamuud Xaashi oo ka hadlay dayactir lagu samaynayo madaarka Hargeysa waxa uu yidhi “Sababaha igu lamaaneeyay socdaalkii Kuwait waxa uu ahaa maadaama oo uu noo socday mashruuc toban Million ah, waxaana Hargeysa laga fulinayaa run way cusub iyo dayr loo samayn doono madaarka, waxa kale oo jirta laydh habeenkii lagu soo hago diyaaradaha, dhinaca kale madaarka Berbera ayaa iyadana mashaariic laga fulin doonaa.”
Wasiirku mar uu ka hadlayay socdaalka uu ku tagayo Caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyo cida uu kulamada la yeelan doono, waxa uu yidhi “Shirka Nairobi waxa uu ku saabsan yahay hawada Somalida ilaa 1991-kii hay’add yar ayaa lacag iska qaadata waxaanu qorshuhu ahaa in ay madaarada Somaliland iyo kuwa Somalia wax lagaga qabto, hay’addaasi waxa ay hadda bixisaa gawaadhi yar-yar iyo 46 Shaqaale ah, haddii Alle inaguma keenee ay maanta Diyaaradi ku gubato Madaarka ma jirto wax lagu bakhtiiyaa markaa waxa aanu la tagaynaa qorshe ah in lacagta hawada Somaliland la inagu soo wareejiyo oo ay inoogu soo dhacdo wasaaradda maaliyada si aynu madaaradeena wax ugaga qabano. ”

Wasiirku Duulista iyo hawadu waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya inuu Shaqaalaha Wasaaradiisa ku qorto hab Beeleed, waxa uu yidhi “Qofku hadalku odhanayo waa ka Masuul waliba Qof Mudakar ah oo ka tirsan urur u dooda Xuquuqda Bini’aadamka marka uu hadal odhanayo inuu hadalkaasi Xigmad ku dhisnaado ayaa qurux badan, anigoo Ixtiraamaya Ragaas Sharaftooda Shakhsiga ah waxaan qabaa waa war aan sugnayn oo aan sal iyo raad toona lahayn ayay sheegeen oo aan is leeyahay waa meel ka dhac weeyaan, anigu Wasaarada masuul baan ka ahayn, Masuul qaran baan ahay waxaanan qabaa sida runtu tahay isfaanin maayo, laakiin in aan ahayn Nin Maanta looga fadhiyin inuu ku Dhaqamo wax Qaanuunka khilaafsan ama Shaqaale uu xukumo kala saar-saara ama uu reero gaar ah u badiyo Maanta meesheedii-na ma joogo Ninkeedii-na ma ahi Masuuliyadayda-na maaha, 65 Qof oo Shaqaalaha Wasaaradan ka mid ah oo Tamb areeri ah (ku meel gaadh ah) oo aan Shaqada ka erinay ma jirto haba yaraatee mana cadayn karaan dadka hadaladaas lihi.”

“Waxa jirtay muddo afar Bilood laga joogo Shaqaalaha ku meel gaadhka ah ee Wasaaradan ka tirsanaa ee Madaarkan joogay oo dad faro badan ahaa oo aan Shaqada qornayn oo dawlada-na markaa aan u qornayn Lacagta la siin jirayna ay ahayd Lacagtii Madaarada laga qaadi jiray ee aan Khasnada dhexe ku xeroon jirin ee aan halkan imid ee ay dawladii dhexe-na ya tidhi anagu bixin mayno Lacagtaa dadka Tabareeriga ee aan dadkii u nimid waxaanu soo qornay dad ilaa dhawr iyo labaatan qof ah, anigu Qof Barman ah Xil waan ka qaadi karaa, laakiin ma eryi karo, 73 Qof oo Tambareeri ah ayaa Imtixaan u fadhiistay, dadkii Tambareeriga ahaa ee Imtixaankaa u fadhiistay-na hal Qob-baa ka dhacay, ”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *