Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku sheegteen inay ku khaarajiyeen guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay.

“Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.
Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida.
“Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu waraysigaasi kaga waramay socdaalkiisii qaatay 17-ka maalmood ee uu ku soo maray dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwayt, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi uu guul u ahaa Somaliland, waxaanu tilmaamay in Kuwayt ay balan qaaday inay Somaliland ka taageerto mashaariic ay ku baxayso 15 milyan oo doillar, kaasi oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha,caafimaadka iyo waxbarashada.
Waxa kale oo uu sheegay in dalka Imaaraadka carabtu ay balan qaadeen inay dhisayaan dayactirka jidka u dhaxeeya Berbera iyo Burco.waxaanu labada dawladoodba uga mahad celiyay sidii heerka sare ahayd ee ay weftigiisa u soo dhaweeyeen.
“Anagu arrinta aanu culayska weyn saaraynay marka ugu horaysa may ahayn inaanu ictiraaf soo qadino,iyadoo dhibaatooyin iyo siyaasado badani ka taagan yihiin dalalka Carabta, waxaanu ka hadlaynay isbarasho iyo sharax aanu u sharaxaynay xaalada Somaliland iyo inay wax nagala qabtaan horumarinta dhaqaalaha ayaanu culayska u weyn saaraynay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay dalalkii uu booqday kala hadlay aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha oo la weydiiyay sababta uu Guddida tallo bixinta ugu magacaabay furashada ururada siyaasada maadaama oo uu balan qaaday xiligii lagu jiray olalaha doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-ka waxaanu yidhi “Runtu waxa weeye arrintan furashada ururada siyaasaddu waa wax aad iyo aad doodi uga taagan tahay mowqif dhab ahna waanu ka lahayn, mowqifkiina waanu caddaynay hase ahaatee marka dalka xilkiisii na wada saaran yahay ummadda mowduuc intaasi leeg oo intaasi oo aragtiyood ka jirto waxay noqotay inaanu u saaray Guddi dhex dhexaad ah oo soo qiyaasta waxa dadku rabo waxaana aanu ku shaqayn doonaa waxa rabitaanka ummaddu noqdo haddii ALLE yidhaahdo.”
Madaxweyne  Siilaanyo oo ka jawaabayay inay gudo galayaan iyo in kale gogoshii nabadeed ee uu u fidiyay waxgaradka deegaamada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Waanu soo wadaynaa waxaanay ka mid ahayd rukumada ugu waaweyn ee siyaasada xukuumadayda, waxaana aanu ka qaaday tallaabooyin badan iyo soo dhawayn badan.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *