Hargeysa (ANN)- Shirkaddo laga leeyahay dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Emaraadka magaalada Dubai, ayaa heshiisyo dhinaca madaaradda diyaaradaha ah la kala saxeexday dalka Somaliland iyo dawladda Sheekh Shariif, heshiisyadaa oo dhigaya in shirkadahaasi dacaytir

ku sameeyaan garoomadda diyaaradaha Somaliland iyo  Somalia.
Wasiirka Duulista hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa , ayaa xaqiijiyay  inay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay dalka Kuwait oo dayactir ballaadhan ku samayn doonta guud ahaanba garoomada diyaaradaha Somaliland. Dhinaca kale sida xalay lagu faafiyey qaar ka mid ah wakaaladaha wararka caalamiga ah ay shirkad magaceedu yahay SKA oo fadhigeedu yahay magaalada Dubay ay ka hawlgeli doonto madaarka magaaladda Muqdisho, kadib markii ay heshiis la saxeexatay dawladda Sheekh Shariif.
Wasiirka duulista hawada Mr Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay in wasaaradiisu heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, taasi oo ka caawin doonta  dayactir lagu samaynayo madaarada diyaaradaha ee dalka oo dhan, isaga oo xusay in shirkadani dib-u-habayn ballaadhan ku samayn doonto guud ahaanba garoomada diyaaradaha Somaliland, hawshaasi oo wasiirku sheegay inay dalka ka billaabmi doonto dhawaan.
Dhinaca kale; shirkadda laga leeyahay magaaladda Dubay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ah shirkad ka sahqaysa garoomada diyaaradaha aan ammaankoodu sugnay, waxay hawlgalo dhinaca illaalinta ammaanka iyo dayactir isugu jira ka billaabi doontaa madaarka magaalada Muqdisho, iyada oo ay horeba halkaa u joogeen shaqaale shirkadan ka socda oo tababaro siiya shaqaalaha iyo hawlwadeennada garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shirkadda lagu magacaabo SKA ee fadhigeedu yahay magaalada Dubay oo hore uga soo shaqaysay madaarada dalalka rabshaduhu ka taagan yihiin ee Ciraaq, Afghanistan iyo Kuwait xiligii dagaalkii Gacanka Carabta, waxay toddobaadyada soo socda shaqaale khibrad leh iyo qalab kala duwan gayn doontaa madaarka Muqdisho, iyada oo garoonka diyaaradaha ka dhigi doonta mid habeen iyo maalinba shaqeeya, halka uu hadda ka shaqeeyo maalintii oo qudha.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *