Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan gaara kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Masuuliyiinta Guddada Cadaaladda, Garsoorayaasha Maxkamaddaha Dalka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka. Kulankaa oo ahaa mid aanay saxaafaddu

goob joog ka ahayn ayaa markii uu dhamaaday kadib qoraal laga soo saaray waxa lagu sheegay inay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Hay’addaha Garsoorku kaga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa Cadaaladda iyo cabashooyinka dhinaca Maxkamaddaha.
Qoraalka kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda C/llaahi Daahir Cukuse, wuxuu u qornaa sidan;-   “Madaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta kulan Balaadhan oo uu Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddida Cadaaladda, Garsoorayasha Maxkamaddaha iyo Xeer illaalinta Qaranka waxa uu ka Cadeeyey in ay Siyaasadda Xukuumadu Muhiimada Koobaad Siinayso Cadaaladda iyo Garsoorka diyaarna uu u yahay in wax laga Qabto Goldaloolooyinka  jiri kara ee la xidhiidha Cadaaladda.

Madaxweynuhu waxa uu Garsoorayaasha, Darajooyinka kala Duwan ee maxkamaddaha ku adkeeyey oo uu si adag ugu Dar-daaray in ay Masuuliyada Culus ee ay ummadda u hayaan sida ay tahay u gutaan, uguna Dadaalaan in ay noqdaan Garsoorayaal Caadil ah.

Madaxweynuhu waxa uu Waaxda Garsoorka ku amaanay Dedaalka iyo u adkaysiga Duruufaha Adag ee ay ku shaqaynayeen intii uu Qarankani jiray waxaanu ku dhiiri geliyey in ay Xil-gudashadoodu noqoto mid la Mahadiyo.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u gudbiyey Cabashada Shacabiga ee Dhinaca Garsoorka.”

Ugu Danbayna Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadu Diyaar u tahay in ay waaxda Garsoorka iyo Cadaaladda noqoto Mid tayo leh oo u qalanta Xilka ay umadda u hayso.

Hadalka uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u jeediyey ka hor waxa uu Warbixin Mugleh ka Dhegaystay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer illaaliyaha Guud, Xubno ka mida Guddida Cadaaladda iyo Garsoorayaashii kulanka ka qayb galay.

kulankan uu madaxweynuhu ugu yeedhay Garsoorayaasha, Maxkamaddaha Kala Duwan ee Dalka, Xeer illaalinta iyo Guddida Cadaaladdu waxa uu ka mid yahay Qorshaha ay Xukuumaddu ay doonayso in lagu toosiyo, laguna tayo geliyo Cadaaladda.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *