Sheekh KhaliilHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil ayaa hadlay falalka Kufsiga ee sii kordhaya  dhinaca

Bulshada Somaliland. Sidoo kale wuxuu ka hadlay  dad Ajaanib ah oo Somaliland ka waday Faafinta Diinta Kiristanka, balse dalka laga masaafuriyay markii la ogaaday inay wadaan faafinta Kiristanka.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa kaloo uu ka hadlay Tahriibta sii kordhaysa ee xadhkaha goosatay, taas oo ay sabab u noqdeen duruufaha dhaqaale iyo shaqo la’aanta haysata dhalinayarada Somaliland oo geyeysiiyay inay miciinsadaan, isla markaana u badheedhaan dhibaatada saxaraha Libiya oo ay beegsadaan.

Hase yeeshe Sh. Khaliil waxa uu ugu horayn ka hadlay  sida Diinta Islaamku  u xaaraantinimaysay  Kufsiga iyo Sinadda iyo ciqaabaha ka dhasha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Waxaan maanta halkan kaga hadlayaa arrimo fool xun oo ay ka mid tahay sinnadda oo aad moodo inay faafayso. Sinadu way sii kala fool xun tahay’e,  waxa jira ilmo sabi ah oo wax laga deyayo iyo wax la yidhaahdo kufsi wadareed, iyadoo aanay jirin Diin iyo dhaqan la ilaalinayo midna, waxyaabaha noocaa ahi waa dunuubta Illaahay ku halaago umaddaha.

Sababtoo ah Illaahay waxa uu yidhi,  “ha u dhowaanina Sinnadda oo ka fogaada sinnadda” sidaa awgeed waxaan ummadda ku wacyigelinayaa,  kuna waaninayaa inay ka dheeraadaan oo la suuliyo fool-xumadda sinnadda. Ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu sheegay in  Komishanka xuquuqul insaanka qaranku shir ay dhowaan qabteen ku shaaciyeen kor u kaca muujinaya in kiisaska Kufsigu sii badanayaan maalinba maalinta ka danbaysa, taas oo ay muujisay  tiro-koob ay ku sameeyeen Komishanku oo sheegaya tiradda kufsiyadii gobolada dalka oo dhan ka dhacay, kuwaas oo isugu jira falal Kufsiyo wadareed ah iyo kuwo shaqsi sameeyay. Sidoo ay Kufsiyadaa ku jiraan kuwo ka baxsan Kufsiyadii hore loo maqli jiray oo ay ku jiraan caruur yar yar oo aan qaangaadh ahayn.

Sidaa awgeed loo baahanyahay in Bulshadu ka hortagto dhaqan xumadda iyo dunuubta gefka ah ee socda.

 

Sh. Khaliil waxa kale ka hadlay Tahriibta sii kordhaysa ee dhlinyaradda Somaliland, , isagoo arrintaa  ka hadlayana  waxa uu yidhi,  “Arrinta Tahriibka Wasaaraddu aad iyo aad ayay uga hawl-gashay, waa arrin aafo qaran ah waayo waxa ku baa’baya xooggii iyo dhalinyaradii dalka u soo kacaysay, waana arrin xaaraan ah inaad naftaada biimo geliso.” Ayuu yidhi.

 

Sidaa awgeed waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in waalidiintu door weyn ka qaataan oo ay dhalinyarada ka wacyigeliyaan halista tahriibka, balse aanay Waalidiintu u xaraashin Guryohooda iyo Dahabkooda si ay Caruurtoodu u tahriibaan oo nafohooda ugu biimeeyaan Saxaraha iyo Badweynta maalin walba laga sheegayo geerida iyo silica

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed waxa  uu ka hadlay dad ajaanib ah oo dalka laga masaafuriyay kadib markii la ogaaday inay faafinayeen Diinta Masiixa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *