-
Published On: Sat, Apr 27th, 2013

Aqoonayahankii Mudada Dheer Xidhnaa Muraayaddaha Madaw Prof. Ismaaciil Samatar Oo Ka Baxay Riyadii Soomaali weyn Iskana Casilay Xubinimaddii Baarlamaanka Dawlada Federaalka

Smiley face
Share This
Tags

Washington(Araweelo News Network)Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan muda dheer xidhnaa Muraayado Madaw oo si mala awaal ah ugu muujin jiray Midnimo Soomaali weyn, ayaa hada iska bixiyay

 

muraayadaha uu mudada dheer ku eegayay xaalada Somalia,  isagoo iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Federaalka Soamlia, wuxuuna xaqiijiyay in aanay xaqiiqdu ahayn sidii uu rumaysnaa waqtigii dhawr iyo labaatanka sanadood ahayd ee Somalia burbursanayd.

 

Sidaa awgeed uu kasoo laabtay mala awaalka aan xaqiiqda ku dhisnayn ee Somalia. Prof. Samatar oo u dhashay Somaliland, isla markaana ah aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacaddaha Maraykanka, ayaa hada xaqiijiyay inuu usoo laabtay xaqiiqda dhabta ah iyo waaqaca aan la dhaafi Karin ee uu indhaha ka lalinayay mudada dheer Nabadgelyada, Horumarka iyo qaranimada Somaliland oo sida uu sheegay ay suurta gal tahay inuu booqasho ku tago.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu majeertay horumarka ay Somaliland ku tanaaday muddo nus qarni ku dhow oo Soomaaliyana burbur iyo sharci la’aani hadhaysay. Waxa kale oo uu soo dhaweeyay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u furmay.

 

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu soo jeediyay Tallooyin badan oo lagu sii xoojin karo siyaasadda arrimaha dibadda, dimuqraadiyadda, nabad-gelyadda iyo xasiloonida Somaliland hirgelisay. Prof-ku waxa uu ka hadlay istiqaalada uu kaga tagay baarlamaanka Muqdisho, waxaanu yidhi “Aniga Xamar waxaan ugu noqon waayay hawlo kale ayaa I haysta oo aan doonayaa inaan ka gun gaadho. Danta ummadda Soomaalidu meelo badan oo kale ayay taallaa, baarlamaanka Muqdisho oo qudha ma taallo.markaa waxaan goostay inaan baarlamaankii Muqdisho ka baxo, warqadii aan kaga baxayayna waan qoray oo gudoomiyaha baarlamaanka waan gaadh siiyay.”

 

“Baarlamaankaas 275 xubnood ah, sida lagu soo doortayna waan garanayaa, sidii Aniga la igu keenayna waan garanayaa oo ummad I dooratay may jirin ee xaafad baa tidhi ninkaasi reerka ayuu ka mid yahaye’ ha lagu daro.xaafaduna way mahadsan tahay laakiin Baarlamaan sida lagu doortaa sidaasi ma aha, waa in dad ku soo doortaan. Buuqiisa (Baarlamaanka) iyo hadaladiisa is dhaafsan Anigu aad baan u saluugay. Inkasta oo dadka ku jira aan qaarkood garanayo oo aan ixtiraam u hayo,”ayuu yidhi Prof. Axmed ismaaciil oo u waramayay shabakada Hadhwanaag News isagoo ku sugan dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin sare oo jaamacadeed.

 

Waxaanu intaasi ku ladhay “Anigu waxaan doonayaa inaan war- buuxa ka helo degmadii aan ka soo jeeday. Way suurtogeli kartaa inaan tago Somaliland, waayo dhul badan oo aan doonayo inaan tago ayaa jira. Wax wali bisil ma hayno laakiin way suurto-geli kartaa inaan tago. Haddii ay ii suurto-gasho waxa suurto-gal ah inaan la kulmo dhalinyarada badan ee jaamacadaha ku jira oo aan khudbado u jeediyo. Odayaasha dhaqanka Saylac illaa Laascaanood inaan is aragnana waan jecelahay.”

 

Prof. Axmed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Haddii aan Hargeysa tago inaan hudheel yar fadhiisto oo aanu dhawr qof oo dawladda ku jira aanu kulano taasi socod ma aha.labaatan sanadood anigu maan tagin Somaliland. Waxaan ogahay in dhibaatooyin waaweyni ka jiraan bariga Somaliland oo u baahan in si bisil wax looga qabto. Waa in dadku isku soo hiloobaa oo madaxdu keentaa cadaalad.”

 

“Waxaan jecelahay in xabaalihii dadkii I dhalay aan soo siyaarto oo aan quul-walaha u soo akhriyo oo foox iyo shaah dushooda lagu cabo. Waana inaan soo arko labaatankii sanadood ee u dambeeyay dhalinaradii kacday halkay taagan yihiin inaan soo arko ayaan doonayaa,”ayuu yidhi aqoon-yahan Axmed Ismaaciil. Waxaanu intaasi ku ladhay “Waa inaan sidaa indho-indhayn (maping) ugu soo sameeyo, haddii taasi ii suurto-gasho markaa waxa iman karta inaan adduunyada kalena uga warami karo Somaliland waxay ku sugan tahay.”

 

Mar la weydiiyay sida uu u arko hanaanka ay u shaqaynayso dawladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku dooday in 7 bilood oo dawladiisu jirtay ay dhinac u jan-jeedho isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “7-da bilood oo dawlada Xasan Sheekh Maxamuud jirtay iyadoo wali la leeyahay ha la sugo, waxaad moodaa inay xoogaa jan-jeedho oo dawladda uu soo dhisay iyo sida uu u soo dhisay ay 4.5 dhaafi la’dahay. Waxaan arkayaa xaga kartida lafteeda inay daciif tahay oo aad moodo illaa maanta inaan guulo waaweyn la arkin. Markaa waxaad moodaa in illaa imika uu saluugu badani jiro, markaan dhegaystay dadka Soomaaliyeed.”

 

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko heshiiskii Ankara 13-kii bishan ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo dad badani ka cadhoodeen in loo wada hadalo sidii laba dawladood, waxa uu yidhi “Heshiiskaasi waxa uu ahaa 7 qodob oo waabu I horyaalaa. Anigu waxaan qabaa dadka reer Somaliland inay ku doodaan inay ahaayeen qeyb weyn oo wax ka dhalisay midowgii labadii Soomaaliyeed ee 1960-kii midoobay. Markaa waxaan u arkaa inay wax xaq ah tahay in loo wada hadlo Somaliland iyo Soomaaliya oo ah Hargeysa iyo Muqdisho. Waxa loo baahan yahay in labada dhinac is fahmaan, isfahanku waxa uu noqon karaa waxyaabo badan laakiin wixii lagu heshiiyo ayuun baa lagu dhaqmi doonaa, laakiin wada hadalkani waxaan u qabaa inay yahay fursad soo biirtay oo cusub.”

 

“Anigu waxaan qabaa in ay ramiimka noqotay oo ay burburtay Soomaaliya, markaa sida lafaheeda burburay loo soo ururinayo, waxaan aaminsan nahay haddii la kabi karo iyo haddii lafaheeda meel kale la dhigi karo. Dadka ka hadli karaa waa Somaliland oo ahayd maxmiyadii Ingiriiska iyo maxmiyadii Talyaaniga. Sidaas awgeed, anigu waan taageerayaa shirkii Turkiga in laga wada hadlo in dawo la heli karo iyo in kale,”ayuu yidhi Prof. Samatar oo durayay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh.

 

Waxa kale oo uu ku dooday inay ahayd in Somaliland wax ka samayso ajandaha shirka London, waxaanu yidhi “Anigu waan taageersan nahay inay Somaliland tagto shirarka waaweyn oo dhan, laakiin waa inay ka mid yihiin ajandaha shirka dadka wax ka sameynaya oo ay soo dejistaan asbaabaha ay ka doonayaan inay shirkaasi ka sheegtaan.haddii ajandaha meel kale lagu soo sameeyo oo laguu yeedho uun dee waxaan qabaa inay nusqaan tahay.”

 

Prof. Samatar waxa uu ka tallo-bixiyay siyaasada dibada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa dawlada Somaliland inay dhisato siyaasad arrimo-dibadeed oo dhab ah,adduunyadu mafaatiix waaweyn ayay leedahay markaa waa in la kala saaraa mafaatiixda waaweyn iyo kuwa yar yar. Siyaasadu waxa weeye inaad samaysato cudud ah in wadankaagii lagula dhiso. Mafaatiixda waaweyni dhulka ay yaalaana waxa weeye Maraykanka, Canada, Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa , Burassels oo ah xarunta midowga yurub, Ingiriiska, Jarmalka, Norway , Denmark, Sweden, Finland, Jaban, China iyo South Afrika. Waa in la sameeyaa qorshe ah siyaasadda dibada Somaliland ee shan ama toban sanadoodle ah, markaasi ayaad garan karaysaa halka aad u socoto iyo cida aad u diranayso.laakiin waa inaad qorataa Somaliland maxay adduunka ka doonaysaa.”

 

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu rajaynayo inuu ILAAHAY ku simo wakhti ay isa soo horfadhiistaan madaxweyne Axmed Siilaanyo si ay uga wada hadlaan wax uu ku tilmaamay arrimo badan oo Somaliland, mandaqada iyo gobolkaba ku saabsan.

Xiggasho Hadhwanaagnews.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>