Isu duwaha Ciyaaraha sanaagHargeysa(Arraweelo News Network) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Reygal ayaa maanta Umagacaabay Isu-duwaha wasaaradaa ee

 

gobolka Sanaag Maxamed Siciid Saalax (Dhegayre) kadib markii uu xilkii  ka qaaday Isu-duwihii hore ee heer Gobol Madar Ducaale Cismaan.

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa oo maanta soo saaray digreeto uu masuulka uu xilkii ka qaaday mid cusubna ugu magcaabay waxa uu faray Isuduwihii hore in xilka qaranku uu yahay meerto ayna sunaha dawladnimo ku jirto in cid kasta xilka laga nasiyo waqtigeeda
Dhanka kalena waxa uu wasiirku masuulkan cusub ee xilkaasi uu igmaday uu faray inuu wajibaadkiisa shaqo sida ugu haboon u guto loona baahan yahay inuu halkaas kasii dhaqaajiyo hawlaha wasaarada ee gobolka

Ugu dambayntiina waxa uu Wasiirku masuuliyintani faray inay sida ugu dhakhsaha bidan ula kala wareegan xilka.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *