Gudoomiye Ciro Qabilay wefdi1Hargaysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa  ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Denmark.

 

Wafdigaa oo uu hogaaminayey Mr  Henrik Jespersen oo ah Senior Technical Adviser oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Denmark iyo xubno kale oo  ka mid ahaa waftigiisa Mss  Lotte Mindedal oo la taliye ka ah  safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor – Development Somaliland and Somalia Team) iyo Soren Skou Rasmussen oo ah madaxa Hay’adda DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).
Socdaalka wefdiga iyo ujeedada ay u yimaaden Somaliland ayaa lagu sheegay qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland, waxaana la filayaa in mudada ay joogaan ay booqan doonaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland qaarkood.

Gudoomiyaha oo si diiran u soo dhaweeyey waxa uu si guud wafdiga ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo  Diiwaagelinta, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in shacbiga Somaliland uga mahadnaqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimquraadiyadda iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah 2015.

Madaxa wafdigu waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *