madaxweyne Sialnyo iyo MarkHargeysa(Araweelo News Network)Dawlada Britain ayaa ku dhawaaqday qorshe dhinaca amaanka oo ku wajaahan amaanka, kaas oo ku kooban Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo keliya. Sidaana waxa

 

shaaca ka qaaday Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds oo shalay booqasho gaaban ku yimi Somaliland. Kadibna kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Golihiisa Wasiiradda.

Dawlada Britain ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo saaraysay dhawaaqyo iska daba imanayay oo ahaa digniino la xidhiidha in aanay muwaadiniinteedu u safrin Somaliland iyo Soomaaliya dhinaca ammaanka awgood, balse dhawaaqyada digniinaha oo ahaa kuwo lagu simay heerka nabadgelyo ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aad uga cadhootay dawladda Somaliland oo markaa ka dib Dawlada Britain u bandhigtay heerka ammaan ee dalkeeda iyo sida ay digniinahaasi saamayn ugu yeelan karaan maalgashiga iyo horumarka Somaliland.

“Kulanka na dhexmaray Madaxweynaha iyo wasiirradiisa waxa uu ahaa mid midho-dhal leh, intii kulanka lagu jirayna waxaannu ka hadalnay arrimo muhiim ah oo Somalland iyo Ingiriiska ka dhaxeeya, kuwaasoo ay ku jiraan in hoos loo dhigo amma laga qaado xayiraadii la saaray in muwaadiniinta Ingiriisku u safraan Somaliland, taasoo aan aad ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in aanu awoodno inaannu samayno sidaa, gaar ahaan in xayiraada laga qaado Hargeysa iyo Berbera.

Talada safarka ku saabsan waxa loo bixiyey faa’iidada muwaadiniinta Ingiriiska darteed, balse waa arrin cad mararka qaar, mararka qaarna waxa la sheegaa in cunaqabataynta xagga safarka ee Soomaaliya la saaray Somaliland ku jirto, waxaan maanta ogeysiiyey Wasiirrada Somaliland inaannu tallaabada qaadno marka aanu fallanqayn caqli gal ah samayno, xaqiiqada eegno, mana aha go’aan siyaasadaysan, balse waa go’aan xaqiiqada ku salaysan, xayiraadii safarkana waxaannu ka qaadayna Hargeysa iyo Berbera,” ayuu yidhi Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mark Simmonds.
Mar wax laga weydiiyay Mr. Mark Simmonds oo ka hadlay aqoonsiga Sheffield iyo halka uu dawladiisa ka taagan yahay waxa uu yidhi; “Heerka Golaha Degaanka Magaalada Sheffield, maaha heerka qaran ee dawladd Ingiriisku taagan yahay.”

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay dawlad ahaan aad ugu faraxsan yihiin xayiraadda dhinaca socdaalka ee dawladda Ingiriisku ka qaaday Hargeysa iyo Berbera, balse kama hadal sababta loo quudhsaday xasiloonida guud ahaan ka jirta Somaliland.

“Waxa aanu maanta aad ugu faraxsanahay oo wasiirku ku dhawaaqay in cunaqabataynta xagga safarka ee aanu muddada badan ka hadlaynay ee aanu waydiisanaynay dawladda inay ogadaan inaannu dal nabad ah nahay oo xasiloonahay, nagana qadeen, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, waxaanannu ballanqaadnay inaannu nabadda xoojino, waxaanannu wasiirka u sheegnay in aannu nahay dad nabad jecel oo taariikhdooda si fiican loo garanayo, haseyeeshee xuduudahooda, goonni-isu-taagooda ay mid sugan yihiin oo aan cidna looga daba fadhiisanayn oo aanay ogolaanayn in waddanka gudihiisa lagu qabto shirar dhibaato dalka u keenaya, waxaanannu u sheegnay in anaan dhib wadin, ogolayna dhibta,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *