soo dhowaynta garaad saleebaanHargeysa(Araweelo News Network)Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah Garaadada iyo Madaxdhaqameedka ugu culus ee gobolka Sool, isla markaana hore uga soo horjeeday Somaliland ayaa

 

maanta kasoo degey Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport. ka dib markii uu dalka Djibouti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Garaadka oo ay wadahadalo ku dhexmareen dalka Djibouti masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ayaa ugu danbayntii go’aansaday inuu kusoo laabto dalkiisa, waxaana socdaalkiisa ku weheliyay siyaasiyiin ka tirsanaa kooxda la baxday Khaatumo State iyo Marwadiisa oo iyadu ka soo Duushay Dalka Somalia, isla markaana ay ku kulmeen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal.
Wefdiga Garaad Jaamac oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa, waxa munaasibad qado sharafeed ah ugu  sameeyay  Huteelka Maansoor Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland, iyadoo is bedelka ku yimi mawqifkiisa uu hore ugu diidanaa Somaliland wax ka tarayo muranka dhinaca Puntland ee qaybo ka mid ah gobolka Sool.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *