warancade1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Gudoomiyaha Xibsiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ay ka saari-doonaan

kabo uu sheegay inuu xidhanyahay oo Jaan-geri ah, isla markaana sharciga lagu ciqaabi doono.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta , waxa uu ka jawaabayay dhawaaq kasoo yeedhay Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Eng Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in haddii xukuumaddu ka tala gelinweydo wadahadalka Somalia ay dhinacooda wadahadal ka bar-bar furayaan, waxa uu Warancade ku tilmaamay dhawaaqa gudoomiyaha mid shaki galin kara qaranimada Somaliland.

“Hadalka Faysal Cali ku hadlay, waa hadal shaki gelinaya oo ku lid ah qaranimada Somaliland. Wax haba yaraatee loo dul-qaadan karana maaha. Faysal wuxuu ka hadlay arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, waxaynu og-nahay in goleyaasha sharci dejintu ay sharci ka soo saareen wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya ay u madax baneeyeen cidda howshaasi (mandate) u lihina waa Madaxweynaha iyo golaha fulinta.” Ayuu yidhi Cali Warancade, wuxuuna xusay in gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID marar hore lagu daray gudida wada hadalada, balse laga reebay markii lagala kulmay khasaare badan, oo uu shirar doceedyo gaar ah la galay masuuliyiinta Soomaliya.

“Way jirtay marar in Faysal lagu darro guddida wada hadalka, laakiin sida aad la socotaan khasaare badan iyo tuhun kasoo baxay, ka dib markii uu Faysal shirar gaar ah la galay Soomaliya, isagoo kalsoonida Madaxweynaha iyo bulshadaba haysta oo aan lala ogayn wixii uu ka hadlay.

Sidaa awgeed,maantaba cid aan fulinta ahayn ayaa ku jirta waa goloyaasha sharci dejinta, cida loo igmanayo cida lagu darayo ama laga reebayo marka laga tagayo shirarka, maanta madaxwayne tagi maayo waxa tagaya Wasiiro iyo xubno ka tirsan goleyaasha sharci dajinta,”ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

“Awood uu u lee yahay Faysal ma jirto inuu wada hadal la galo Soomaliya, waxaan bulshada u sheegayaa dareenka qaaday waxa uu sheegayo waxba kama jiraan, waa wax isaga ku kooban xitaa ma qabo in xisbigiisu arrintaas khaldan ku raacsan yahay, markaa waxaan ka codsanayaa Faysal kabaha jaan-gariga ee siyaasadeed uu gashan yahay aanu ka saarno oo ummada tusno raadkiisa halka uu u socdo iyo inuu isagu iska saaro si loo ogaado ujeedadiisa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiyaha UCID mudankaro ciqaab adag, isagoo yidhi, “Ma aha wax la qaadan karo in hebal yidhaahdo haddii aan aniga laygu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jiro sharciga waxay keenaysaa muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo in hadda aanu dareemi Karin. Hadalkii Faysal ee xalay (habeen hore) wuxuu fariin khaldan u dirayay caalamka aynun ka doonayno ictiraafka oo sawir aan jirin ayay gudbiyeen taas oo ah kalsooni la’aan, dawlad la’aan iyo kala dambayn la’aan adduun-weynaha diirada innagu haya ee xogogaalka u ah waxaynu qabsanay”. Ayuu yidhi. Cali Waran-cade.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *