warancade1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa ugu baaqay Golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa in ay si deg deg ah wax uga qabtaan laba arrimood

oo kala ah sidii wadooyinka Laamiyada loo gaadhsiin lahaa Caasimada iyo sidii qashinka oo uu sheegay inuu hafiyay shaaracyada Magaalada looga guri lahaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-cade oo kormeer ku maray Maanta Wadada wadnaha ee Laamiga ah oo dhinaca Bari laga soo geliyay Hargeysa, wuxuu ayaan-darro ku tilmaamay in qashinku caasimadda Hargeysa is buux-dhaafiyo, wuxuna ugu baaqay dawladda hoose iyo Bulshadaba in si deg deg ah wax looga qabto arrintaa.

“Waxa loo baahan yahay laba arrimood inaad si degdeg ah u wadaan oo ugu dhaqaaqdaan,  mid waxa weeye sidii caasimadda loo gaadhsiin lahaa Laamiyada quruxda badan si ay ugu ekaato caasimadaha Aduunka. Arrinta labaad waxa weeye bani’aadamku waxa jirta wax uu isagu qabsan karo iyo wax u baahan in laga caawiyo, markaa waa in la nadiifiyaa magaalada oo qashinka laga guraa.” Ayuu yidhi Waran-cade.

Wuxuuna tusaale usoo qaatay sheeko dhexmartay isaga (Wasiirka) iyo gabadh u dhalatay dalka Britain oo Somaliland booqo ku timi, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Magaaladeenna bari dhawayd baa gabadh Ingiriis ah baa timi, waxaanuna ku nidhi bal ka warran magaalada? Waxay tidhi, ‘way qurux badan tahay, laakiin waa magaalo xashiis, laakiin waa magaalo aanay dadkeedu xashiishka iska xaadhin.’ Sidaa darteed, waxaan kula dar-daarmayaa dadweynaha iyo dawladda hooseba.

Dadweynaha waxaan uga mahad-celinayaa meelaha dadku maraan ee mar-marka ay dhigeen, waxaase ayaan-darro ah meeshii lacagta intaas le’eg la geliyey toddobaad ka bacdi inay ciiddi  dul marto oo sideedii hore ku noqoto oo xataa qofka sameeyey aannu ku fikirin cammuudda ka dul qaad.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Waran-cade waxa uu ballanqaaday in waddooyin casri ah laga hirgelin doono faras-magaalada Hargeysa, balse wuxuu bulshada u soo jeediyey in aanay qashinka hortooda ku tuurin si loo wada ilaaliyo Bilicda Magaalada Caasimada, isagoo yidhi,“Magaalada waa la nadiifinayaa, waddooyinkiina waa kuwaas oo dhismohoodii socdo, waxaan ku darayaa in dhammaan Ubucda dhexe ee magaalada Oritelka ilaa Bangiga Ganacsiga in dhammaan la dhigi doono waddooyin nooc walba leh oo dhinac walba u socda, waxaanse dadka waydiisanaynaa iyo dawladda hooseba subax walba iyo habeen walba in magaalada la xaadho qashinka iyo Ciidda. Dadka meheradaha leh ee meelaha la fadhiisto sameeyey subax walba waa inay xaadhaan, waxaana uga digaynaa in ay kusoo xaadhaan Ciidda iyo Qashinka Laamiyada, dawladda hoose oo arrintaa daba soconay, iyagana wixii laami ah ayay xaadhayaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wuxuuna nasiibdaro ku tilmaamay in qashinka layska xaadhiwaayo iyo in lagu daadiyo Laamiyada iyo Wadooyinka, wuxuuna balanqaaday in ay dhowaan keeni doonaan qalab lagu Ururyo qashinka oo ay dadku ku ridaan, balse waxa uu usoo jeediyay Bulshada in ay cashuurta si toos ah u bixiyaan si wax loogu qabto oo ay Dawladaha Hoose iyo Dawlada dhexeba u gutaan waajibkooda shaqo ee ay bulshada u hayaan.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *