http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/09/britain1-flag.jpgLondon(Araweelo News Network)Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay Somaliland kala shaqaynay sidii loo sii wadi lahaa Barwaaqada,  horumarka dhinaca amaanka, dhaqaallaha iyo deganaanshaha ka jira Somaliland, isla markaana

 

ay ka go’antahay Britain oo ay danaynay dawlada Ingiriisku inuu Somaliland ka hano qaado horumar loo simanyahay.

Doodii Aqalka Odayaasha Britain ee 4 Febarwari oo ah Salaasadii doraad, ayaa xildhibaan Lord Chidgey oo ka tirsan aqalkaasi wuxuu wasiirad ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska iyo barwaaqo sooranka Baroness Warsi, uu weydiiyay taageerada uu Ingiriisku siiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Siyaada, dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Amaanka Wasiirada, ayaa ku jawaabtay.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi  “Sanduuqa Somaliland Fund oo ay dawladda Ingiriisku taageertaa, wuxuu caawinayaa dedaalkan si loo horumariyo in adeegyadan dadweynaha ee muhiimka ah dadka loo gaadhsiiyo hanaan isla xisaabtan iyo hufnaan ku dhisan kaas oo lagu xoojinayo maamul maaliyadeed iyo dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyo adeega dadweynaha. Xukuumadda Somaliland waxay hadda la dhigay qorshe ay ku horumarinayso maamulkeeda maaliyadeed kuna kordhinayso daah-furnaanta miisaaniyada dawladda. Sidaa darteed Dawladda Britain waxay sidoo kale taageeraysaa horumarka adeegyada gaarka loo leeyahay iyo qorshaynta barnaamijiyo cusub si Somaliland loogu suurtogeliyo in mustaqbalka fog  la kordhiyo dakhli abuurka.”

Baroness Warsi, waxay sheegtay inuu Ingiriisku Somaliland ka caawinayo xoojinta iska caabinta weerarada argagixiso,  “Dawladda Ingiriisku sidoo kale waxay Somaliland kala shaqaynaysaa sidii loo tayayn lahaa awoodiisa ka hortagga argagixisada iyo tabashooyinka ka jira waajibaadka xuquuqda aadamaha iyo sharciga iyo in la xoojiyo amniga hawada iyo xuduudaha. Somaliland weeraro argagixiso oo waaweyni kamay dhicin tan iyo sannadkii 2008.” Sidaas ayay tidhi wasiiradu.

Waxay Haweenayda wasiiradda ah sheegtay inuu Ingiriisku daynanayo inuu Somaliland ka dhaco horumar loo simanyahay, “La shaqayntayada Somaliland, waxaanu si joogto ah hoosta uga xariiqnay muhiimada uu Ingiriisku siinayo horumar loo simanyahay inuu ka hanna qaado Somaliland oo dhan iyada oo taageerada la sii marinayo sanduuqa horumarinta Somaliland.” Ayay tidhi.

Haweenayda Britain  dhiirigelinayo wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya maadaama oo uu ahaa wadankii u horeeyay ee wada hadalada fududeeyay,  “Dawladda Ingiriisku waxay si joogto ah u dhiirigelinlaysaa una taageeraysaa wada hadalka dhex maraya Somaliland iyo Somaliya  iyadoo bishii June ee 2012 martigelisay wejigii koowaad ee wada hadal fool ka fool ah ay isugu yimaadaan tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Smaliland. Waxaanu soo soo dhawaynaa oo aanu taageeraynaa wada hadalada labada dhinac u socda ee uu Turkigu fududeeyay.” Ayay tidhi wasiiradu.

source: Geeska Afrika.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *