Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay In Aanay Raali Ka Ahayn Inay Ciidamadu Dadka U Adeegsadaan RasaasHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha gudaha Somalialnd Cali Maxamed Waran-cade ayaa sheegay in aanay xukuumad ahaan raali ka ahayn in ciidmadu dadka u adeegsadaan rasaas

noolmarka ay dadka shacabka ah sameeyaan banaanbaxa.
Waran-cade, waxa sidaa ka sheegay kadib markii uu kusoo laabtay dalka, isagoo mudo dhawr todobaad ah socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Britain, isagoo warbaahinta kula hadlay halkaa, wuxuuna ka waramay waxyaabaha uu kala soo kulamy socdaalkiisa dalka Britain oo uu sheegay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalka Britain iyo jahliyadaha Somaliland eek u dhaqan dalkaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay mudaharadkii dhawaan ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa uu tacsi u diray eheladiii dadkii halkaa wax ku noqotay, wuxuuna  ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay ilaashadaan nabadgelyadooda oo aanay ka hadhin horumarka ay sida wadajirka ah u tiigsanayaan ummadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada, Salaadiin iyo dadweyne faro badan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *