noolmarka ay dadka shacabka ah sameeyaan banaanbaxa.
Waran-cade, waxa sidaa ka sheegay kadib markii uu kusoo laabtay dalka, isagoo mudo dhawr todobaad ah socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Britain, isagoo warbaahinta kula hadlay halkaa, wuxuuna ka waramay waxyaabaha uu kala soo kulamy socdaalkiisa dalka Britain oo uu sheegay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalka Britain iyo jahliyadaha Somaliland eek u dhaqan dalkaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay mudaharadkii dhawaan ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa uu tacsi u diray eheladiii dadkii halkaa wax ku noqotay, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay ilaashadaan nabadgelyadooda oo aanay ka hadhin horumarka ay sida wadajirka ah u tiigsanayaan ummadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada, Salaadiin iyo dadweyne faro badan.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com