warancadeHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka hadlay sababta ay xukuumadda Somaliland xayiraada ugu soo rogtay wargeyska madaxa-banaan ee

 

Haatuf iyo mataantiisa Somaliland times oo ay Ciidanka Booliku shalay albaabada u xidheen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde ayaa xayiraada Wargesyka ku tilmaamay mid sharciga dalka u yaalla waafaqsan, wuxuuna ku dooday in  wargeyska Haatuf ku xad-gudbay qawaaniinta dalka u yaalla oo uu si badheedh ah u af-lagaadeeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo uu ka midyahay, kuwaas oo uu sheegay in uu waxyaabo aan u qalmin oo laf-jab ku ah qaranka ka qoray.

Wasiir Warancadde waxa uu sidaa ka sheegay waraysi uu siiyay caawa laanta Af-soomaaliga ee BBC-da, wuuuna isagoo sababta ay u xayireen wargeyska Haatuf ka hadlaya yidhi , “Sharci ayaa dalka ka jira, sharcigaasi muu odhan jiidha meel kastaba ama ha ahaado joornaal ka shaqeeya goboladda dalka ama meelo kaleba, dalku qawaaniin ayuu leeyahay, cid qawaaniintaasi ku xad gudbi kartaana ma jirto, markaa haddii uu qofku danbi galo la iskama xidho laakiin cadwad ayaa loo gudbiyaa, aniguna waxaan ka mid ahay dadka uu aflagaadeeyay wargeyska Haatuf, oo aniga oo ah wasiirkii daakhiliga runtii wax aan ii qalmin, dalkana ku noqon karta laf-jab oo ah in uu iska caayo masuuliyiinta, iyada oo wax war ah oo uu og yahayna aanu jirin, waa ayaan daro, markaa la iskama xidhin wargeyska Haatuf ee waxaanu u gudbinay hay’dihii hawshaasi qaabilsanaa sida maxkamadaha iyo hay’adaha sharciga, sidaas awgeed ayaana lagu xidhay”.

waxa kale oo uu sheegay in uu socdo kiiska loo haysto wargeyska Haatuf, “Kiiskuna weli wuu socdaa, markaa wixii uu sheegay ee uu aniga iga sheegay ama madaxda kale ka sheegay waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan, haddii ay cadayn waayaana sharciga ayaa la marinayaa” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Wuxuuna ku dooday in xukuumaddu aanay diidanayn dhaliilaha warbaahinta, isagoo yidhi, “dawladu ma diidana in la dhaliilo dhaliishayadda waanu ogol nahay in wax laga sheego wixii jira, laakiin waxaan la ogolayn cayda iyo meel kadhaca, beenta iyo isku dirka ee bulshadda dhexdeeda iyo dadka aan danbiga lahayn in uu wax ka sheego, sidaas awgeed anagu waxaanu leenahay ninkii wax wanaagsan sheegaya waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ninka fidmada iyo isku dirka, beenta iyo dacaayadda sameeyaa waxa uu waajahayaa sharciga qaranka” ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay Wasiirka qaabka ay u xidheen wargeyska Haatuf ee shaqaalihii dibada looga dareeriyay sida ay sharciga u waafaqsantahay iyo waxa uu ku difaacayo wuxuu ku jawaabay “Haa sharciga ayuu waafaqsan yahay, xaaladana waxaa keenay danbiga uu wargeysku galay oo lagu xidhay, waxa loo xidhayna waxa weeyi in aan fidmadaasi uu qoray maxkamad lagu gaynayaa, maxkamada ayaana looga yeedhayaa in ay cadeeyaan ayaana laga doonayaa fidmadaasi ay sameeyeen iyo af-lagaadadaasi, haddii ay cadayn waayaana sharciga ayaa la mariyaa, lama xidhin nimankii waxan qoray, waayo ilaa maxkamada la hor geeyo ay cadayn kari waayaan, oo wax laga qoro wixii ay kala kulmaan ayay leeyihiin”.ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *