kenyanpolice somaliNairobi(Araweelo News Networ)Xukuumadda dalka Kenya ayaa Olole qaawan ku qaaday Bulshada Soomaalida ee ku nool dalkeeda, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ku badan

 

3,000 qof oo qaarkood haystaan dhalshada Kenya, dalalka Yurub iyo meelo kale, kuwaas oo ciidamada Booliska Kenya ku qabqabteen hawlgal ciidamadu wadeen tan iyo Jimcihii.
Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ayaa si weyn u canbaareeyay hawlgalka ciidamada Kenya oo dadkaa ku xereeyay Garoonka Kasaraani oo ah garoon Kubada lagu Cayaaro iyo Saldhigyo Boolis, kuwaas oo xaalad adag ku jira, isla markaana qaarkood lagu xereeyay goobo shinbiraha lagu xanaaneeyo. Kadibna loo diiday inay ay booqdaan Hay’addaha xuquuqda Aadamaha iyo Ehelada dadkaa oo ay ku jiraan dad waayeel iyo Maato haween iyo Caruur ah, isla markaana xaalad adag galay.
police1
Sarkaal Booliska Dalka Kenya ayaa qiray in ay qabteen dad gaadhaya 3.000 qof, balse waxa uu meesha ka saaray in hawlgalkaa lagu bartilmaameedsaday Soomaalida oo keliya, balse waxa uu sheegay in dadkaa ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Uganda Sodan Iyo Hindi, wuxuuna intaa ku daray in intii badnayd dadkaa lasii daayay oo ay hadda hayaan tiro gaadhaysa 400 qof oo ay ku jiraan 69 qof keliya oo aan haysan sharci, kuwaas oo sida uu sheegay sarkaalka u hadlay Booliska Kenya sharcidaro ku joogay dalka, isla markaana codsaday in lagu celiyo dalkooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qayb ka mid ah dadka la hayo loo gudbinayo Maxkamaddaha dalkaa oo sharciga la horgeynayo.
Qaarkenyanpolice somali ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Kenya ee kaga jira Bulshada Soomaalida ayaa ku tilmaamay talaabadda Booliska Kenya mid khaldan oo gef ku ah sharafta iyo karaamada biniaadamka, waxayna dawlda Kenya ugu baaqeen in la joojiyo hawlgalada lagu ugaadhsnayo bulshada Soomaalida.
Dadka la qabtay ayaa intooda badan laga urursaday xaafadda Isli ee Soomaalidu degto, taas oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga dalka Kenya oo ay soomaali baddan ku leeyihiin ganacsi. Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadda Isli ayaa tallaabada Booliska ku tilmaamay mid ay lacag laaluush ah kaga guranayaan dadka Soomaalida ah, waxyana ku doodeen in qofka sharciga haysta iyo qofka aan haysan aanay kala soocayn ciidamada Kenya.
Madaxweynaha Dalka Uhuro Kenyata ayaa todobaadkan sheegay in aanay xukuumaddiisu u dulqaadanayn waxa uu ugu yeedhay dhibaato ay ku hayaan dad iyagoo qoxooti ah uu dalkiisu magangeliyay, balse sida uu ku dooday sabab u noqday in xaalada amaanka Kenya ay faraha ka baxdo.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *