WarancaddeHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay halka ay maray hawsha dhex-dhexaadinta xalka loogu raadinayo khilaafka xisbiga kulmiye ee

cirka ku shareeran. Cali Waran cade oo saxaafada kula hadlay goor dhaweyd Xafiiskiisa, waxa uu  shaaciyey in Guddidii Guurtida ee Dhex-dhexaadka ka galaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE ay maanta kulankoodii ugu horreeyey la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla-markaana arrinta lagu soo dabaalay wada Hadal iyo dhex-dhexaadin.

Waran-cadde ayaa saxaafadda u sheegay in khilaafka xisbiga Kulmiye ka dhextaagan la go’aansaday in la soo afjaro oo xaalada wada hadal lagu soo dabaalo, isla markaana labada dhinacba ay joojiyaan tallaabooyinka sii kala fogaynaya ee ay warbaahinta isu marinayaan.

Waxa uu sheegay in Xubanaha Guurtida ah ee dhex-dhexaadinta ku jiraa ay Maanta Madaxweynaha la yeesheen kulankii u horeeyay oo ku dhamaaday wax fiican, isla markaana uu madaxweynuhu aqbalay in arrinta la soo dabaalo oo labada garab la isku Keeno.

Waxa kale oo uu Cali Warancadde sheegay in Haatan ay Kooxda Dhex-dhexaadiyayaasha ahi ku maqan yihiin dhinaca Garabka Guddoomiye Muuse Biixi iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin oo ay caawa la kulmayaan, islamarkaana la filayo inay labada garab ay ka dhex bilaabaan jawi fiican oo la isku soo celin karo, wuxuuna tilmaamay in wixii natiijo ah ee Wada-hadallada ka soo kordha laga filanayo inay shaaciyaan Guddida Dhex-dhexaadinta ka wada labada dhinac ee Kulmiye.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *