araweelonewsBerbera(Araweelo News Network)Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Saaxil Yuusuf Axmed Halac-dhegoole iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay. Kadib markii

 

ay isku dayeen inay taageero u muujiyaan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed oo qayb ka ah khilaafka xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay Xildhibaan Daahir Aw-nuur iyo Rashiid Aw-xasan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Berbera, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen mudaharaad la doonayo in lagu taageero garabka Askarta ee Kornaylada xisbiga Kulmiye sida uu sheegay badhasaabka gobolka Saaxil.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Halac iyo labada xildhibaan ayaa lasoo daayay saacado kadib markii ay xidhnaayeen, waxaana xoriyadooda loo celiyay caweyskii caawa.

Dadweyne ka cadhooday xadhiga labada xildhibaan iyo gudoomiyaha xisbiga saaxil, ayaa sababay in rasaas ay Boolisku ku ridaan dadkaa , waxa ku dhaacmay Hal qof oo Dumar ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *