Mandheera(ANN)Munaasibad loo samayeeyay Dafcadii 26aad ee Ciidanka Booliska Somaliland ee dhamaysta Dugsiga Tababarka Mandheera oo ka koobnayd 150 Hablood ayaa

 

maanta loo soo geba gebeeyay tababar ku saabsan aqoonta Booliska, kuwaas oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Somaliland.

Xafladaa waxa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Wasiirka Cadaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta, saraakiil ka socotay Ha’yadda UNDP oo Booliska ka taageera dhinaca tababarada iyo marti sharaf kale oo ka socday maamulka gobolka Saaxil iyo xukuumadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay munaasibadaa ayaa ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedada ay ka lahaayeen tababarka khaaska u ahaa 150-ka hablood ee dhalinyaradda ah, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Tababarkani waxa uu Hablaha  u bilaabmay 1/11/2012-kii,waxaanay ku qaadanayeen waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin shuruucda dalka oo la baray sida Dastuurka, xeerka ciqaabta Guud, xeerka nabad-gelyadda wadooyinka, xeerka cashuuraha, xuquuqda Aadamaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Booliska iyo bulshadda oo aanu had iyo jeer jecelahay inuu wanaagsanaado xidhiidhka Booliska iyo dadweynuhu.” ayuu yidhi Fadal Iimaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha Booliska Somaliland in tababarku aanu ku koobnayn oo keliya dafacada hada dhamaysatay, isagoo yidhi, “Tababarka Ciidanka Boolisku kuma koobna dufcadan oo qudha ee dufcaddii 25-aad ee tan ka horeysay waxa ka baxday 365 askari. Waxa kale oo dhinac socda tababar ay qaataan ciidanka Hoggaanka Birmadka Boolisku oo si gaar ah loo tababaro dufcad horena ka baxeen, imikana dufcadii ugu weynayd ku jirto. Waxa kale oo dhinac socda tababaradii la xidhiidhay dhinaca baadhista dambiyadda,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay todobaadkan tababar ku saabsan maamulka u furi doonaan Taliye saldhigyadda goboladda Maroodi-jeex, Gabiley iyo Hawd, wuxuuna Hablaha tababarka dhamaystay usoo jeediyay marka ay tagaan goboladii ay ka yimaadeen inay ka shaqeeyaan nabad-gelyadda iyo sugida ammaanka dalka, isagoo dhinaca kalena u mahad celiyay Macalimiinta Dugsiga Tababarka Mandheera.

Dhinaca Kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay munaasibadaa ayaa si weyn ugu mahad celiyay oo ammaanay dafcada Hablaha ee tababarku u xidhmay, wuxuuna xusay  inuu rajaynayo inay dedaal iyo karti ku soo kordhin doonaan ciidanka Booliska ee ay ku soo biireen.

Wasiir Duur isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Aniga maanta rajo ayaa ii muuqata, rajadda ii muuqataa ma aha mid maanta bilaabantay, waxa weeye intii isbedelku dhacayba rajo ayaa ummaddii gashay inay da’yartu ku dhiirato inay ciidammadda galaan oo qof kastaaba isku dayo inuu wax qabto, kol ay ku tahay xafiiskiisa. Markaa rajo ayaa dhalatay la kowsatay isbedelkii dalka ka dhacay,”ayuu yidhi Wasiir Duur.

Hase yeeshee Mr. Duur waxa uu sheegay in rajadaa  ay hortaagan tahay wax uu ku tilmaamay caqabad dhinaca warbaahinta ah, isagoo yidhi, “Rajadaasi hal qabad ayaa hortaagane’ ha laga daayo. Warbaahinteenu dadka rajo ha geliso oo mooralkooda kor ha u soo qaado oo dalka ha jeclaysiiso. Yaanay mar walba  bogaga hore wax ummadda quus gelinaya aanay soo bandhigin, markaa rajadaa aan wada dhisno ayaan leeyahay.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *