Nairobi(ANN)Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashooyinka dalka Kenya ayaa muujinaya in Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu hogaanka u hayo tirada codadka la tiriyay ilaa hada doorashada madaxweynenimo ee

 

maanta dalkaas ka dhacday.

Musharaxa kale ee Raila Odinga ayaa kaalinta labaad ku jira, sida ay sheegayaan ishaarooyinka hordhaca ah,  iyadoo uu kaalinta sedexaadna ku jiro Musharaxa Mudavadi, balse ilaa hada si cad looma saadiin karo cida guusha doorashada hanan doonta, maadaama aan si dhab ah loo ogayn deeganada ay codadka saadaasha hordhaca ah ka yimaadeen.

Madaxweynaha xilka ka dagaya Mwai Kibaki iyo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo amaanka, lagana fogaado wixii keenaya iska hor imaad

Labada nin ee ku horeeya ra’yi ururintii la sameeyay ka hor doorashada, Ra’iisul wasaare Raila Odinga iyo Ra’iisul wasaare ku xigeeka Uhuru Kenyatta, ayaa labadooduba balanqaaday inay xushmayn doonaan natiijooyinka ka soo baxa doorashada.

Dhinaca kalena Masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya, ayaa sheegay in laba weerar oo lagu bartimaameedsaday booliiiska, ay ka dhaceen magaalada xeebta ku taala ee Mombasa goor hore oo Isniintii saaka ahayd. Masuulkaa  ayaa sheegay in weeraradaa ay ku dhinteen 12 qof, kuwaas oo ay ku eedeeyeen  mas’uuliyiintu  in koox gooni u goosad ahi ay ka danbeysay mid ka mid ah labada weerar, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan todobo sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska ee Kenya.

Guud ahaan dalka Kenya waxaa aad u sareeya xiisadaha la xidhiidha doorashada waxaana goobaha codbixinta ee dalka la geeyey 100,000 oo ah ciidamada booliiska Kenya oo amaanka sugayey, iyadoo dad lagu qiyaasay 14.3 million ay hore u qorsheeyeen inay codkooda dhiibtaan doorashadan oo ah tii ugu horaysay ee tiro dad intaa leeg ay codkooda dhiibtaan.

Wadamada Reer galbeedka iyo deeq bixiyayaasha ayaa aad uga wer wersan doorashadan, kuwaas oo xusuusan rabshadihii ka dhashay natiijadii doorashada 2007, taas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 qof oo shicib ah. sidoo kalena waxa doorashada cabsi iyo wer wer ku abuuray iyadoo dalka kenya ay hanjabaado uga imanayaan Kooxda al-shabaab ee ka dagaalama Somalia, kuwaas oo balanqaaday inay Kenya oo ciidamadeedu soo galeen gudaha Somalia ay kaga aargudanayaan weeraro, iyadoo ugu baaqay Muslimiinta Kenya inay galaan jihaad oo ay qaadacaan doorashada.
Si kastaba ha ahaatee natiijada doorashada oo ka sokow Madaxweynaha lagu dooranayo Wakiilada Baarlamaanka dalkaa, Gudoomiyayaal gobol, Golaha Odayaasha iyo Kursi Haweenka loo qoondeeyay ayaa la filayaa in natiijadeeda lasoo saaro saacadaha soo socda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *