Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay wada gaadheen todobaadkii hore Somaliland, Ethiopia iyo shirkado maalgashi oo laga leeyahay wadanka China.Wasiirku waxa uu
sheegay inay dawlada Somaliland aanay lahayn awood dhaqaale taasina ay sababtay inay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay sidii loo casriyayn lahaa dekada Berbera iyo dhismaha waddo tareen oo isku xidha Somaliland iyo Ethiopia.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu ku dooday in maalgashiga dalka Shiinuhu uu yahay mid la isku halayn karo, wuxuuna sidaa ku sheegay kulan uu maanta xarunta madaxtooyada kula yeeshay saxaafada qeybaheeda kala duwan oo su’aalo lagaga waydiinayay socdaalkii weftigii Madaxweynaha ee uu xubinta ka ahaa ku tageen dalalka China iyo Ethiopia oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland waxay Suxufiyiinta kulankaa ka qaybgalay weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha heshiiskaa iyo ahmiyada uu Somaliland u leeyahay, waxayna su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyay u dhaceen sidan:-
S: Wasiir, heshiiskan sadex geesoodka ah ee aad la soo saxeexateen Itoobiya iyo China ee ku saabsan balaadhinta Dekada, dhismaha wadada Tareenadda iyo Saliida Itoobiya ee Berbera laga dhoofinayo sida uu u fulaayo iyo sida uu yahay sharaxaad ka bixi?
J: Waxa weeye sida laga warqabo Shiinaha iyo Somaliland waxa in muddo ahba u socday wada hadal ku saabsan sidii maalgashi dalka loogu heli lahaa khaasatan kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay wadooyinka iyo dekaddu ka mid tahay. Safarkan uu Madaxweynuhu ku tagay Shiinaha waxa ugu weyn ee laga hadalayay waxay ahayd sidii heshiis hordhac ah oo guud looga gaadhi lahaa iskaashigaasi. Waxaana arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa sidii uu caddeeyay Madaxweynuhu waxa kalainta ugu horaysa ku jirta balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera. Somaliland dekada Berbera waxay u aragtaa inay ka mid tahay Kaabeyaasha dhaqaalaha waxaana loo baahan yahay si ay u hanato suuqaasi weyn ee geeska afrika oo ay isticmaali karaan dad ka badan hal Malyan oo qof. waxay u baahan tahay in la casriyeeyo oo la balaadhiyo lana maal geliyo. Si dakhli iyo dhaqaale badan inooga soo galo.
Somaliland awood dhaqaalle oo ay ku dhisato mashruuca intaasi leeg malaha, taasi ayaa keenaysa in dunida lala shaqeeyo Shiinuhuna sida laga warqabo waa alameda imika ugu waaweyn ee maalgashiga ku sameeya waddamada soo koraya. Tusaale ahaan dalalka Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Kenyaba. Intaas oo dalba waxa maalgeliya dawladda Shiinaha.
Waxaanu u aragnay in maalgashiga Shiinuhu ay tahay wax la isku halayn karo oo uu dalkeena horumarkiisa gacan weyn ka geysan karo.
S: kaabeyaasheena dhaqaale wali way burbursan yihiin, shaqo la’aan Balaadhan ayaa jirta ma jirtaa meelo kale oo aad maal gelin shisheeye u raadiseen?
J: Waxa jira in Madaxweynaha iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay socdaal ku soo mareen qaar ka mid ah waddamada Carabta gaar ahaan dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt labaddaba waxaanu kala hadalnay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Somaliland waxaana aanu rajaynaynaynaa inay maal gashi noocan Shiinaha la mid ah aynu dhawaan la geli doono dalalka Khaliijka .
S; Wasiir yaa damaanad qaadaya heshiiskan iskaashi ee sadex geesoodka ah mar haddii aan Somaliland la aqoonsanayn, waxa la sheegayaa inay Itoobiya idin damaanad qaadaye’e?
J: Iskaashiga iyo maalgashiga intaasi leeg waxa damaanad qaadaya oo heshiiskan horumdhaca ahna saxeexday dawladda Somaliland, heshiiskani waxa uu dhex maray dawlada Somaliland iyo maalgashadeyaasha Chinese-ka. dab can dawladda Itoobiya waa dawlad aynu jaar nahay iskaashi baaladhan oo nabadgelyo iyo Ganacsiba way inaga dhaxeeyaan. Mashaariicdan qaarkoodna waa qaar saamyn ku yeelanaya Ganacsiga iyo dhaqaalaha Itoobiya.
Dekadeena Berbera waa dekad weyn marka la casriyeeyana waxa danaynaya dalal badan oo dhaafsiisan Itoobiya, markaa waanu la shaqeynayaa dhinacyada kala duwan haddii ay Itoobiya tahay iyo haddii tahay Koonfurta Suudaan in rakaab badan iyo baayacmushtar badani ku soo xidhmo dekada Berbera. Markaa waxa damaanad qaadaysa heshiiskan dawlada Somaliland aqoonsinna kuma xidhna mana filayo in heshiiska aanu saxeexnay uu carqalad ku noqonayo aqoonsi la’aantuku. Thiawan oo aan ictiraaf aan dunida ka haysani heshiisyo ay caalamka la galaan halka Koonfurta Suudaan oo bishii hore xorowday saliida waxa u soo saara Shiinaha imika dunida waxa lagu shaqaynayaa iskaashi iyo dhaqaalle.
S: Wasiir dalka Shiinuhu waa mid ka mid ah dalalka aynu ka doonayo Aqoonsiga iyo maalgashiga illaa hadana ma jiro wax wakiil ah ama safiir ah oo aynu ku leenahay maxaa arrintaasi kaa hortaagan?
J:-Dalka Shiinaha imika ayaanu doonaynaa inaanu xidhiidh la yeelano, xidhiidhkaasina imika ayuu hordhac yahay, haddii iskaashigan iyo xidhiidhkan bilowga ah lagu najaxo markaa waxay noqonaysaa oo noo qorshaysan inaanu wakiil ku yeelano Shiinaha waana arrin qorshaha ugu jirta wasaaradda Arrimaha dibada.
S: Heshiiskan ma waxaad la saxeexateen dawladda Shiinaha mise waxaad la gasheen shirkaddo?
J :Marka laga hadlayo horumarinta dunida waxay cid waliba u xilsaartaa shirkado madax banaan dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya waxa horumar ka socda waxa wadaa waa shirkado madax banaan. Dawladuhu maal malaha, ee waxa wax maalgashada shirkado ganacsi . Markaa waxaanu wada saxeexanay Maalgashadeyaasha shirkadaha.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com