Hargeysa(ANN)Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu deg-degay oo aan habboonayn go’aanka Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo todobaadkan

 

mudeeyay shirka Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaas oo uu sheegay inay dib u dhigeen, balse Dr. Maxamed C/llaahi ayaa sheegay inay arrintaasi sideedii hore ku noqon doonto marka Madaxweynaha iyo Weftigiisu dalka dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga waddanka Turkiga, waxa uu ka warramay waxyaabaha ay dawladaha Turkiga iyo Somaliland ka wadahadli doonaan, hab maamuuska lagu qaabilay Madaxweynaha iyo Weftigiisa, shirka ay qabanqaabadiisa wado dawlada Britain iyo arrimo kale.
Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyay Wargeyska Somalilandtoday, isagoo ku sugan magaalada Stanbul ee dalka Turkiga.
Waraysigaa, waxa kale oo Wasiirku ku difaacay wax-qabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo, taas oo uu bar-bar-dhigay wax-qabadka Xukuumaddii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka fulisay oo uu tilmaamay in wax-qabadka Xukuumadda Siilaanyo ku dhaw yahay. Dr. Maxamed C/llaahi, wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay dhaliilaha iyo eedaha loo jeediyo xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Waraysigaa oo ahaa su’aalo iyo Jawaabo  ayaa u dhacay sidan:-

S: Wasiir Safarka Madaxweynaha ee aad Turkiga ku joogtaan, waxaad la kulanteen Raysal-wasaare-ku-xigeenka waddanka. Idinkoo la kulmi doona Raysal-wasaaraha Turkiga, dhinaca kale waxaa la idiin soo dhaweeyay hab-maamuus la mid ah ka Madaxweyneyaasha caalamka, maxaa keenay is-beddalka Turkigu muujiyay?

J: Dawladda Turkigu waa dawlad weyn, oo taariikhiya haddana waxay ka mid tahay waddamada ugu horreeya caalamka. Markaa, xidhiidhkan iyo iskaashigan Somaliland iyo Turkigu waa mid muhiimad weyn ugu fadhiya shacabkayaga. Sidoo kale, soo dhaweynta Madaxweynaha oo sidaad arkayseen la meeqaam ahayd, midda Madaxda caalamka uu ku qaabbilo dalkani, waxay muujinaysaa dawladnimada iyo kala danbaynta ka jirta Somaliland iyo inay tahay dawlad jirta oo ka mid ah dawladaha caalamka. Dabacan waddamada caalamku aqoonsi dhammaystiran may siin Somaliland, balse qaabkan soo dhaweynta iyo hab-maamuuska dawladda Turkigu u muujisay Weftiga Madaxweynaha, waxay meeqaam iyo maamus ahaan la mid tahay waddan la aqoonsan yahay.

S: Waddanka Turikigu wuxuu ku horumaray dhismayaasha, isagoo waddammo badan oo caalamka ah ka caawiyay dhismayaasha Biriijyada iyo waddooyinka, maaddaama oo uu Madaxweynaha Somaliland, ballan-qaaday waddada Ceerigaabo, waddoooyin badanna aynu u baahannay ma idiin qorshaysan tahay inaad Raysal-wasaaraha Turkiga, arrimahaas hor-dhigtaan, marka laga tago wax-tarka kale?

J: Waddada Ceerigaabo waannu kala hadlaynaa, waana ka mid waxyaabaha aannu weydiisanayno, iyo waddooyin kale oo muhiim ah oo dalku u baahan yahay. Sidoo kale, mashaaric badan ayaa qayb ka noqon doonta, waxaanay caan ku yihiin dawladda Turkigu inay si rasmiya u fuliyaan wixii ay caawimada ka geysanayaan, haddana hawlo mashariic ah way ka wadaan waddanka. Laakiin, waxyabahaa iyo wax kale oo badanba way ka wadahadli doonaan Madaxweynaha.

S: Shirka London ee ay qabanayso Dawladda Ingiriisku, waxay Xukuumaddu sheegtay inay wada-tashi Qaran ka yeelanayso, muxuu yahay wada-tashigaasi?

J: Wada-tashigu waa shay muhiim ah oo Islaam-nimada ku wanaagsan, oo dawladnimada ku fiican. Dadku waxay jecel-yihiin ama dunida saddexaad laga jecelyahay in talada laysku koobo. Rutii Madaxweynuhu dhaqankaas wuu beddelay, waanaynu ku soo caano-maalnay wada-tashiga. Laakiin, shirkan London ee ummadda lagu mashquuliyay Xukuumadda Somaliland illaa hadda uma aragto mid faa’iido weyni ay ugu jirto, waxaannu u aragnaa mid loo qabanaayo Soomaaliya, mana aha mid ay hadda muhiimad weyn siinayso Xukuumaddu. Waxaa u yaalla dawladda arrimo badan oo waxqabad leh, kaabayaasha Bulshada leh, arrimahaas ayaannu ku mashquulsannahay. Waxaan halkan doonayaa inaan uga faa’iidaysto, kooxaha Mucaaridka ah ama dadka khalkhalka gelinaaya in aanay ummadda ku jaah-wareerin shirkaas, waxaa habboon inay arrimo kale oo ummadda waxtar u leh ka hadlaan. Shirkaasi sidaan sheegay illaa hadda kama dhex aragno danaha Somaliland.

S: Wasiir, markaa ma waxaad leedahay ma jirto wax shirkaas ku saabsan ama wada-tashi ha noqoto ama wax kale oo Xukuumaddu qabansaa?

J: Ma jirto mana muuqato sabab aannu ugu mashquulo shirka London, waayo? Annagu waxaannu dadkayaga kala tashannaa oo aannu isla eegna wixii aannu aragno inay waddanka dani ugu jirto, waayo? Masuuliyadda koobaad Xukuumadda ayay saaran tahay, markaa ma jirto sabab aannu ugu mashuullo shir aanan arkayn faa’iidada ugu jirta Somaliland. Haddii qorshaha shirkaasi is beddelo oo dawladda marti-gelinaysaa doorkii wadahadalka Somaliland la lahayd Soomaaliya ku darto iyo ajandaha shirka, maamuska ay Somaliland ku imanayso, danaha ugu jira, markaas wax waa layska weydiin karaa. Laakiin, nooma muuqdo illaa hadda wax aannu shirkaas ugu mashquulno. Dadka wada hadal-haynta shirkaas ee Mucaaradka sheeganaaya waxaan u soo jeedinayaa inay ummadda tashuushka ka dayaan.

S: Wasiir waxaad ka mid ahayd Wasiirradii tartanka Xisbiga Kulmiye ka odayeeyay, xog-ogaalna waad ka ahayd, Madaxweynuhu warqad ayuu u qoray Hoggaanka Xisbiga ayuu ku socod siiyay, qoraalkaasoo ku saabsanaa inaanu shirkii Xisbigu hadda qabsoomi karin, Xukuumadduna ay arrimo kale ku mashquulsan tahay, haddana Guddoomihii golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa shaciyay in isaga ay khusayso codsiga Madaxweynuhu, awoodda arrintaasna ay leeyihiin golaha dhexe, markaa miyaanay u muqaan in khilaafkii damay dib u soo laba kacleeyay?

J: Waan ka mid ahaa Wasiirradii arrimaha shirka Kulmiye galay, anigoo si weyn isugu hawlay, runtii Xisbigu hoggaan ayuu leeyahay, Xukuumadduna Madax ayay leedahay uu Madaxweynuhu ugu sarreeyo, hoggaanka Xisbiga ayuu Madaxweynuhu warqad u soo qoray, taasoo ay isku afgarteen. Markaas, in golihii dhexe ama xubno ka mid ah iyo Guddoomiyaha golaha dhexe baal-cararo Madaxweynihii iyo hoggaankii Xisbiga, arrrin meesha qabata maaha, waana tallaabo lagu deg-degay. Markaa Madaxweynuhu soo noqdana Insha Allaah arrintaasi sideedi ayay u fulaysaa, Xisbiguna hoggaan iyo madax ayuu leeyahay in iyaga lagu ixtiraamo ayaa habboon.

S: Wasiir, maaddaama oo ay taageerayaashii Xaqsoor wali cabasho mujinayaan, isla markaana ay ka mid ahayeen Taageerayaashii Xisbiga u codeeyay doorashadii Madaxweynaha, khilaafkan hadda iyo tartankan laacdanka ah ee dadka badankiisa ugu muuqda mid aan Xisbigiinna dan u ahayn, isla markaana niyad-jabinaya dadkii KULMIYE u codeeyay ama taageersanaa, ma la odhan karaa doorashooyinka soo socda waxay jaanis buuran siinayaan Xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI i iyo UCID oo idinla tartamaya?

J: Taagerayaasha Ururki Xaqsoor waa la ogaa, waxay ka mid ahaayeen ka hor Ururka Xaqsoor Xisbiga KULMIYE, haddii aanu soo bixin Ururkii Xaqsoor, maanta waxaannu ugu yeedhaynaa gacmo-furan oo walaaltinnimo inay ku soo noqdaan Xisbigoodii ay aasaaskiisa doorka weyn ku lahayeen, waanan hubaa in Taagerayaasha Xaqsoor aanay qabanayn meel kale, taasi way ii caddahay, wixii tabasho ah walaalo ayaa loo yahay, tariikh dheer ayaa la wadaagaa oo marxalado badan lahayd. Waxaan ku niyad-samahay inay si buuxda dib ugu soo noqon doonaan Xisbigoodii. Dadka kale ee bahweynta ah ee gobol kasta jooga ee KULMIYE u codeeyay doorashadii dhaweyd ama kuwii hore, runtii waxba kama dhinmayaan, Xisbigu wuu ballaadhan yahay, maraaxil adag oo hore ayuu soo maray oo dhammaantood uu ka soo gudbay. Waxaan ugu nasteexayn lahaa qolyaha jecel burburka KULMIYE ama Axsaab haka mid ahaadaan ama Asxaab hore usoo burburiyaye, KULMIYE maaha kaad moodaysaan, waa Xisbi tartan dhexdiisa yaallo, balse aanay cadaawadi oollin, waa Xisbi taageerayaal rasmiya leh, oo Xisbi muddo dheer soo jiray muddo dheerna jiri doona Insha Allaah. Markaa, yaan aad loogu habsaamin, cid is-haysaana ma jirto, cid wax ku kala tagaysaana ma jirto, tartankuna KULMIYE waa dabeecadihiisa.

S: Wasiir, ugu danbayntii Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Silaanyo, waxaad inta badan taxdaan waxyaabaha idiin qabsoomay, in badan oo dadka ka mid ahina way idiin qirtaa in Xukuumaddiinnu ay wax badan ka qabatay arrimaha bulshada. Balse haddana waxaad mooddaa in dadku cabasho badan idinka muujiyaan, maxaa khaldan ee ay isu-wafaqi wayeen wax qabadkiinna iyo u ogaanshaha shacabku?

J: Waxaan ku sheegayaa dadkeennu dhaqan ahaan waxay haystaan ee markaas jooga ma gartaan, markuu meesha ka baxo ayay tabaan. Waxaad arkaysaa qof ay jecelyihiin, oo intuu la joogo aan xasuus badan ku lahayn, balse markay tabaan ay qiraan. Waxaa laga-yaaba Allaah ha u naxariistee in Gaarriye markuu la joogay dadbadani aanay dhaadayn ama aanay ka faa’iidaysanayn. Laakiin, maalintii uu innaga baxay waad dareemaysay siday dadku uga naxeen ama u tabeen. Hadraawi waxaa laga-yaaba in aan maanta xasuus badan loo yeelan, laakiin sannado badan laga sheekeeyo, Dhaqanka dadkeennuna waa mid sidaas u dhisan. Markaa, Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed-Silaanyo, waa tii ugu wax-qabadka badnayd dawladihii Somaliland soo maray. Xukuumaddii kacaanka ee Siyaad Barre oo 20 sano dalka xukumaysay, shuuciyad iyo iskaa wax-u-qabsana dalka wax kaga dhistay intii aanay xumaan ayuun bay isku dhaw-yihiin xagga wax-qabadka. Laakiin, dhammaan dawladihii kale ee soo maray isku dar, labada sano iyo badhkaa aannu joognay inta ummadda loo qabtay bal ha la tiriyo, waxa markaas dhacaysa in aanay bulshada taasi ku weynayn, tariikhdaa-se qiri doonta oo aan saamaxayn, dadwaynuhuna way u joogi doonaan wixii noolaada.

Inta Ceel ee Somaliland laga qoday muddadaas iyo intii la qoday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxa badan intay Xukuumaddani hirgelisay, hadday Ciidammo tahay, hadday Maal-gashi tahay, hadDay dib-u-dhis Xafiisyo dawladeed iyo dhismayaal tahay, hadday Waxbarasho tahay, hadday mushahar iyo shaqalaysiin tahay, intuba waa wax qoran. Dadkana waxba lama wada gaadhsiin karo oo awooddeenna dhaqaale waa mid kooban, waddamadii Yurub ee kunka sano jiray ayaa shacabkoodi waxba gaadhsiin kari wayay. Laakiin, Xukuumaddan oo daymo badan dhaxashay, waxqabadka ay muujisay runtii marka si li-laahi ah loo hadlo, afmisharayntana laga daayo waa la taaban karaa. Wayse jirtaa in aannaan u bixin Cashuurta dadka Masakiinta laga uruuriyo ee ay wax-qabadka ku doonayaan, sidii dawladihii hore ama aan dad kooban loo qaybin, balse waxaannu qaadannay wax hadhaaya in ummadda loo geliyo.

Haddii markaa, nalagu dacaayadeeyo in aannaan dhacdhac badan llahayn dee qaybsami mayso ama Ashkhaas ayaa loo qaybin, ama inta badan Bulshada ayay gelin. Madaxweyne Axmed-Silaanyona  maaha nin dadkan adduun ka doonaaya ama u soo doontay. Madax meel ka sarreeya oo la salaaxa ma jirtee, mar haddii Madaxweynihii dalka ay ka go’an tahay wax-qabad iyo in ummadda wexeeda loo dhawro, fili maayo in masuulna ku dhiirranaayo wax ka duwan taas. Waad ogtihiin dawladaha Afrika siday u dhaqmaan, Somaliland oo aan la aqoonsanayn maamul-wanaagga ay mujisay Xukuumaddani waa arrimaha ugu waa weyn ee ay Beesha caalamku ku majeertaan. Markaa, qodobkaas waan badiyee jawaabta oo waafi ahi sidaas ayay noqonaysaa.

Xigasho: Wargeyska SomalilandToday oo kasoo baxa Hargeysa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *