Hargeysa (ANN) Wasiiradda Waxbarashada Somaliland Marwo Sam-Sam Cabdi Aadan, ayaa jawaab ka bixisay faddeexado ka dhashay imtixaanka Ardayda Dusgiyada sare ee fasalada Labaad ee Somaliland oo su’aalaha ku saabsan imtixaanka  jawaabahoodii lagu qaybiyay internet-ka, isla markaana lagu

 

kala iibsaday Adeega Zaad. Sidoo kalena lagu qaybiyay goobaha waraaqaha lagu copyeeyo iyo mobiladaba,  taas oo sababtay  inay    qaar ka mid ah dugsiyada Awdal oo arrintaa ka war helay  rabshado sammeeyeen.
Imtixaanka ayaa la hakiyay shalay kadib markii ay soo bexeen fadeexadaha la xidhiidha natiijada Imtixaanka oo Ardaydu guryuhooda kaga shaqeeyeen, isla markaana gudbiyeen, balse maanta ayaa dib loo fasaxay inay Ardaydu galaan Imtixaanka. 

Wasiiradda oo ka hadlaysay dhacdadii rabshadaha dhalisay ee Ardayda Awdal ku kaceen iyo asbaabihii keenay waxay tidhi, “Waxa jira xafiis imtixaanaadka ah si fiican u shaqeeya, dawlada cusubna aanay qof ka bedelin, waayo shahaadada xafiiskaas ka soo baxdaa waa mid lagu kalsoonyahay oo meolo badan muctarif ka ah oo wax dhaliila oo lagu helayna aanay jirin, markaa horta yaanay iskaga keen qaldamin imtixaanka fasalada afraad oo xafiiska imtixaannaadku saxo iyo  iyo kuwa sideedaad oo ah imtixaan ay dugsiyadu qaadaan oo iyagu saxaan, markaa rabshadihii taagnaa waxay ka dhasheen fasallada saddexaad oo jawaabaha uu u diyaariyo xafiiska imtixaanaadku.
“Imtixaanaadka ayaa iskuulada la geeyaa, jawaabtana markay imtixaanadu dhammaadaan ayaa macaliminta loo dhiibaa, markaa qaladka dhacay waxa weeye jawaabihii iyo imtixaankii baa la geeyay iskuulladii, dee markaa macalimiintu wada masuul maaha qaar baa faafiyay jawaabihii, markaa saddex maado ayuu qaladku ka dhacay oo halkii jawaabaha imtixaanka ka dib loo geyn lahaa, ayaa iskuulladii oo imtixaannadii ku jira la geeyay, markaa iskuuladiina waxay sammeeyeen inay jawaabihii ardaydii u sii sheegeen oo sidaa laysku wada gaadhsiiyey oo xataa markii danbe iib galay oo addeega ZAAD lacag laysugu soo diro si jawaabaha loo kala iibsado.” Ayay tidhi Wasiir Zamzam
Wasiiradu waxay intaa ku dartay inay ku guulaysteen joojinta rabshado doraad ka dhacay Awdal, “Annagu waxaanu amarnay inaan la joojin saddexda maado, waayo hadhow markay soo laabtaan waa lagu celin karaa inay mar kale galaan, meelaha qaarbaa laysku dayay in la joojiyo sida Awdal oo rabshado ka dhaceen, rabshadiina waxa dhammeeyay kooxda xafiiska imtixaanaadka oo haatan si habsamiya ayuu u socdaa, saddexdaa maadama marka imtixaanada laga soo noqdo ayaa dib looga qaadayaa.”
Wasiir Zamzam oo wax laga weydiiyay warar sheegaya inay dhawr jeer ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland inuu ka bedelo wasaaradda, ka dib markii ay u adkaysan weyday baaxadda shaqo ee wasaaradda, waxay ku jawaabtay oo tidhi,  “Wasaaradani sida ay u balaadhantahay, hadana waa meel wax laga qaban karo, waa meel mustaqbalkii wadanka ah, waana wasaarad heer fiican soo gaadhay oo u baahn in tayadeeda uun la sii hagaajiyo, caqabadaha naga hor yimi waa iskuulada bilaashka laga dhigay oo wax badani ka soo noqdeen. Anigu mudo badan waxaan ahaa macalimad, markaa hadaan ka shaqaynayo waa meeshaan ka shaqayn lahaa, oo aan aad u fahamsanahay qaladaadkiisa iyo waxyaabaha laga qaban karoba, ilama aha inaan marna idhi waan ka tanaasulayaa shaqada wasaaradda oo meel fiican maraysa.”
Marwo Zam Zam waxay ka hadashay duruufo soo waajahay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dawladda, markii la joojiyay kharashkii laga qaadi jiray ardayda, taasina ay saamayn ku yeelatay macalimiin iskuulo kala duwan ka hawlgeli jiray,”Duruufaha waxbarashada soo foodsaaray.”Waatan iskuuladii bilaashka laga dhigay waxay keentay macalimiin badan oo dhawr iskuul ka shaqayn jiray in qaarkood mushaharkii ka go’ay oo nidaamka dawladeed ma ogola in qofku laba meelood oo dawlada ah uu laba mushahar ka qaato, markaa tii baa ku yara adkaatay macalimiinta, laakiin khasab baanu kaga dhignay. Waxaana dhacday inaan macaliim badani arrintaa raali ka noqon oo ay ka xanaaqeen, markaa hadda macalimiin badan baa mushaharkoodii dib loogu celiyay dakhliga dawladda oo waa la wadaa arrintaa xalkeeda, kolay macaliminta way ku yartahay xataa haddii laba mushahar la siiyo.”

Wasiirada Waxbarashadu waxay sheegtay mudadii ay joogtay  inay meesha ka saartay macalimiin badan oo mushahar ka qaadan jiray wasaarada, balse aan wax shaqo ah u hayn oo qaarkood Yurub joogaan kuwo kalena ganacsiyo gaar ahaaneed ku foofeen.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Ardayda qaarkood sheegayan   inay hayaan imtixaanka fasalada Afraad ee Dugsiyada sare oo marka ay ka gudbaan Imtixaankaa toos jaamacadaha u gelaya iyo sidoo kale  fasalada Sideedaad oo iyaguna imtixaankaa ka dib gelaya dusgsi sare, kuwaas oo loo qorsheeyay in imtixaanka laga qaado badhtamaha bishan. Laakiin aanay wax cabsi ah oo ku saabsan imtixaanka, maadaama ay nuqulada jawaabaha ku heleen $ 25 dollar  bilawgii maalintii sabtidii markii loo fadhiistay maadooyinkii u horeeyay, balse qiimahu maalinba maalinta ka danbaysa sii dhacayay oo hoos u socday ilaa uu gaadhay $2 , oo ay kaga iibsadeen suuqa madaw, taas oo ah fadeexadii ugu weynayd ee soo marta taariikhada waxbarashada Somaliland iyo xataa xiligii Somalia

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *