Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Muxumad Aw Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in ay dhawaan dalka ka bilaabayaan tiro-koob madax taabasho ah oo lagu samayn doono shaqaalaha dawladda, si loo ogaado tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalahu waxa uu sidaa ku sheegay  mar uu maanta u waramayay saxaafada, wuxuuna  tibaaxay inay waqtigan  Hay’adda shaqaalaha ka diwaan gashanyihiin shaqaale tiradoodu gaadhay  10, 000 (ilaa toban kun oo qof,) kuwaas  oo ay u soo gudbiyeen wasaaraddaha iyo hay’adda madaxa banaan ee dawladdu, balse  todobaadkan gudihiisa  si loo xaqiijiyo inay tiradaasi tahay mid sax ah ay  ku samayn doonaan tiro koob sugan oo madax taabasho ah.

Mudane Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, ugu horayn waxa uu ka hadlay wax-qabadka Hay’adda shaqaalaha dawladda, isagoo  yidhi,  “Sida aad ka war qabtaan dawladdan cusub siyaasadeedu waxay ahayd in shaqaalaha dawladda la daryeelo, anaguna taas ayaanu ku shaqaynaynaa. Iminka hadafyaddii aanu ku talo jirnay waxaa noo suuro galay in aanu helno shaqaalihii Somaliland tiro-koobkooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin, dhimasho, hawlgab iyo giraydhka ay ku kala shaqeeyaan, waxaanuna doonaynaa in aanu samayno xarun dhexe oo arkiifiyo ah oo macluumaadka shaqaalaha dawladda laga helo.”
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Markii aanu helnay macluumaad, shaqaalaha Somaliland tiradoodu waxay gaadhaysaa toban kun iyo dheeraad shaqaale ah. Waxaanu hadda bilaabaynaa todobaadkan soo socda in aanu madax taabasho ku soo samayno tiradaa shaqaalaha ay wasaaradduhu noo soo gudbiyeen in ay jiraan iyo in aanay jirin, iyo in ay hayaan hawlihii loogu talo galay. Markaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo bisha juun kowdeeda ayaanu ku talo jirnaa in ay ka bilaabanto gobolada Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil iyo Awdal, waxaanuna diri doonaa afar kooxood, shaqaaluhuna sida aad ka warqabtaan inta badan waxa uu joogaa caasimadda iyo agagaarkeeda, markaa caasimadda waxaanu u diraynaa koox, Awdalna koox, Togdheer iyo Saaxilna waxaanu u diraynaa hal koox. Markaa run ahaan ujeedada ugu weyni waxa weeye tirakoobkan, anagu halkan waxaanu ku haynaa tiro iyo magacyo, haddii ay gobol tahay iyo haddii ay degmo tahayna in la soo hubiyo jiritaankooda hadafkayaga koobaadi waa kaa.”

“Hawshani waa hawl qaran oo ballaadhan, Hay’adda shaqaaluhu iyada ayaa uga masuul ah qaranka, haddana waxay uga baahantahay taakulo dhamaan hay’addaha qaranka, toban kun oo shaqaale ah ogaalkoodu maaha wax yar oo fudud, hawl iyo kharash badanina wuu ku baxayaa, markaa madaxda dowladda ee ay ka mid yihiin badhasaabada oo masuul ka ah gobolada iyo degmooyinka waxaanu ka codsanaynaa in ay hawl wadeenadaas u fududeeyaan hawshaa qaran.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Muxumed Aw Cabdi, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Markii hore hadafka Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxaa u qorshaysna in ay xafiisyo ka furato gobolada dalka laakiin duruuf dhaqaale ayaa noo saamixi wayday, markaa Badhasaabada oo gobolada uga masuul ah dawladda waxaanu si gaar ah uga codsanaynaa in ay la shaqeeyaan hawl wadeenadaa tirakoobka wada una fududeeyaan hawlahooda.”

“Waxa kale oo qorshaha noogu jira in shaqaalaynta muwaadiniinta ee dawladda cusub siiba hay’addaha aan hore u jirin in dhamaan gobolada dalku si caddaalad ah uga wada qayb galaan oo aanay dhicin in sidii wakhtigii hore la iska qoro, tartan xalaal ah loo galo ciddii ku guulaysataana ay hawshaa buuxiso. Hadda waxaanu xayaysiinay oo aanu wargaysyada ku qornay 54 shaqaale ah oo ay yeelan doonto hay’adda cusub ee dhawrista tayada, shaqaalahaasina waxa ay u badan doonaan dhulka ay wax ka soo degaan sida dekeda iyo kastamada.” Ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *