Hargeysa(ANN)Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir(Cukuse), ayaa wer wer ka muujiyay doorka saxaafada Somaliland, wuxuuna tusaale usoo qaatay marxaladihii ay soo martay saxaafada curdinka ah ee Somaliland xiliyo adkaa oo ay jireen

 

colaado iyo fadqalalooyin ka taagnaa dalka iyo maraxalada maanta taagan.

 

C/llaahi Cukuse waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay kulan koox suxufiyiin ah lagu siinayay aqoon is weydaarsi ku saabsan doorka saxaafada, ama suxufiyiinta ee colaaddaha iyo saamaynta ay ku yeelan karaan oo maanta lagu soo geba-gebeeyay jaamacada Hargeysa, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Xaqsoor oo ah urur ka shaqeeya arrimaha bulshada, deegaanka iyo nabada.

Mr. Cukuse waxa uu sheegay in saxaafada Somaliland ay xiliyo hore oo colaaddo jireen ama khilaafyo ka taagnaayeen dalka ay dhinaca nabada iska taagi jirtay oo suxufiyiintu ahaayeen kuwo wanaaga iyo deganaanshaha ka shaqeeya oo doorkaa qaata, balse ay maanta muuqato in warbaahinta Somaliland looga baqayo nabada iyo Qaranimada dalka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/llaahi Cukuse, waxa uu sheegay in xanafta ka dhalatay doorashadii golayaasha deegaanka ay saxaafada qaarkood buun buuniyaan, taas oo uu sheegay in xukuumadu waalac ka qabto qalabka warbaahinta oo uu ku tilmaamay  inuu gacanta ugu jiro dad aan waayo-arag ahayn.
“ Maanta Somaliland saxaafadaa nabadaa  looga baqaa , waayo wax badan bay baahisaa , waxyaabo wax u dhimaya Qaranimada Somaliland , saxaafadeena marka maanta la eego waa inan yar oo guriga jooga , kaas oo  qal-qaali ah oo alaabta jejebinaya,  inkasta oo ay jiraan suxufiyiin deganaansho iyo masuuliyad ku wata hawshooda oo udooyin tobanaan sano iyo dhawr sanoba kusoo jiray mihnada saxaafada, hadana waxaad moodaa inay hayinimadii saxaafada iyo doorkii ay ka qaadan jirtay dhinaca nabada iyo xalinta ama dejinta khilaafyada ay meesha ka baxday. laakiin Somaliland waxba ma yeeli karaan “ ayuu yidhi. Cukuse

Wasiir ku xigeenka ayaa dhawr  jeer oo hore weerar ku qaaday warbaahinta, wuxuuna difaacay kuwa uu maanta ku tilmaamay inay yihiin ilmo yar oo qal-qaali ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *