Saylac(ANN)Mudanayaasha Golaha deegaanka ee degmada Saylac ayaa maanta kalfadhigii ay yeesheen waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada Degmadaasi isla markaana waxaa ay ku doorteen Maayar iyo Maayar ku xigeenka Magaalada Saylac.

Kalfadhigan waxaa furay gudoomiyaha Salal Nuur Cismaan Guuleed,waxaana ka qayb galay Weftiga uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Wershadaha Mudane C/risaaq Cali Cismaan, wasiir ku xigeenka waxbarshada Somaliland iyo xildhibaano ka socday labada gole ee guurtida iyo wakiiladda, Waxaana ka soo xaadiray Toban xildhibaan oo ka mid ah 17 xildhibaan oo uu ka koobanyahay golaha deegaanka Saylac.

Todoba mudane ayaan kasoo xaadirin kulankaa oo  gudoomiyaha maxkamada degmada lughaya oo uu u soo wakiishay gudoomiyaha maxkamada gobolka salaal inuu dhaariyo golaha cusub, waxayna mudanayaasha fadhiga isugu yimi oo ahaa toban xubnood  cod aqlabiyad ah ku doorteen inuu noqdo Maayarka degmada Seylac Xuseen Ciidle Barkhadle, halka Maayar ku xigeena ay u doorteen Sacad Daahir Cigge.

Gudoomiyaha gobolka Salal  Nuur Cismaan Guuleed, ayaa ka hadalay kulankaa doorashada kadib wuxuuna xildhibanada golaha degaanka ee degmada Saylac kula dar daarmay inay bulshada ugu sheeqeyaan wada jir iyo wax wada qabsi dadka deegaanka wada degan,  isla markaan ay ka hawlgalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha dhinca Biyaha iyo Caafimaadka ee degmada ka jira.

Dhinaca mudanayaasha ka maqnaa kulankaa ayaa ku dooday in fadhiga tobanka mudane ku doorteen Maayarka iyo Maayar xigeenka Saylac uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aanay aqbali doonin.

Hase yeshee Maayarka mudadiisu dhamaatay ee xilka sii haya Maxamed Cumar Haddi oo shebekadda wararka ee araweelonews.com kula xidhiidhay khadka telefoonka, isla markaana ka jawaabaya dareenkiisa doorashada iyo inuu xilka wareejin doono ayaa sheegay inuu xilka u wareejin doono si sharci ah isagoo raacaya nidaamka dawliga ah oo aanu ka hor imanayn wixii sharciga iyo nidaamka dawliga ahi jidaynayo.

Doorashada golaha deegaanka waxa hor taalay mushakilad dhinaca deegaanka ah oo lagu muran sanaa, waxaana ka dhashay is mari waa u dhexeeya dadka deegaanka, iyadoo maalintii doraad magaalada Boorama gaadhay wefdi uu hogaaminayo Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo halkaa u tegey sidii loo furdaamin lahaa is mari waaga ka taagan, balse waxay wefdiga Madaxweynahu la kulmeen mawjado mudaharaad ah oo lagu diidan yahay qorshaha la doonayay in lagu xaliyo mushkilada ka taagan golaha deegaanka Saylac, taas oo sababtay mudaharaadyo socday laba maalmood oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wefdiga Madaxweyne xigeenka ayaa xalay la kulmay Odayaasha iyo waxgaradka Boorama, balse waxa lagu kala kacay kulankaa markii laysku mariwaayay, waxaana maanta Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka arrimaha guduhu amar ku bixiyeen in la qabto fadhigaa oo la dhaariyo mudanayaasha. kadib markii ay diideen Odayasha iyo waxgaradka Boorama in debeda lagu sii dhameeyo khilaafka ka taagan halkaa.

Dhinaca kale Madaxweyne xigeenka iyo wefdigiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa iyagoo isla maanta gelinkii danbe qasriga Madaxtooyada kula kulamay Madaxweyne Siilaanyo, balse lama ogga waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa iyo ujeedadiisa, iyadoo aanay ilaa hada xukuumadda dhexe ee Somaliland wax war ah kasoo saarin natiijada doorashada golaha deegaanka Saylac.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *